Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac123 on July 15, 2015, 07:38:13 PM

Title: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: Jaamac123 on July 15, 2015, 07:38:13 PM
asc dro waxaan qabaa xanuun muddo ihayey iganahay qaarka dambe xididada  baowdyah iyo xaniin yaha qanjidhada lugaha dhabarka oo uusan kujirin lafah wax daawo ahna uma helin ilaa 12 sano maxan samayn karaa maxaad tala ahoo alysiin trakaa?
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: SomaliDoc on July 18, 2015, 01:57:32 PM
Xanuunka ka sokow, ma dareemaysaa kabaabyo ama tabardarri lugaha ah?
Ma jirtaa in dhabarka jug kaa gaartay hadda ka hor?
kaadida ma ku xanuunjisaa ama ma ku gubtaa?
Qanjirrada ku yaalo meesha lugta ka laabanto ma ku bararsan yihiin?
Xiniinyaha ma is badaleen oo ma yaryaraadeen? Daqnasho maka dareentaa shuunleyda ama lafta bisiqda?
Dhabarka xanuun noocee ah ayaa ka dareentaa? Goorma ayuu kuugu daran yahay?
Maxaa daawo ahaan u qaadan jirtay maadaama aad xanuunsan tahay muddo 12 sano ah.
Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan fikrad uga qaadanno xanuunka ku hayo.
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: Jaamac123 on July 19, 2015, 05:28:47 AM
asc dr alle ayaa mahad iskaleh mahada xigta waxaa igamudansida wanaag sanee aad ii caawiseen  ama aad ii hagteen haddaan u soolaamo su aalaha magaranayo wxa aan xasuusto oo jug ah oo iga gaartey dhabara waxan alyga qabtaa dhabarka marmar dhanka 2 daqayood xaniinyuhu aadbay siku badaleen marka loo eego siday ahaan jireen qan jidhada xagasha marbay bararta midda midigta lugta waxan kaloo layga hayaa qajidhada dareen kayguna waa uu yaryah xagga imada aad
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: SomaliDoc on July 19, 2015, 11:02:24 AM
Xanuunno badan ayaa neerfaha lagu qaldaa waxaa ka mid ah infekshannada ku dhaca taranka, (xubinta taranka, xiniinyaha, qanjirka borostaatada ama qanjirrada xagasha) sidaa awgeed haddii aad isku aragtay in xiniinyaha ay is badaleen, qanjirrada ay bararaan iyo dareenkaaga oo liito waxay astaan u noqon kartaa cillad infekshan ah.
Marka waa in aad la xiriirtiaa takhtar baaritaan guud kugu sameeyo si loo ogaado meesha cillada ay kaa heysato, sababta qofka neerfe ahaan ugu dareemo ayaa ah, markuu infekshanka kugu daaho wuxuu u gudbaa murqaha kuwa bowdyaha badanaa, taas oo laga dareemo tabardarri qofkane wuxuu aaminaa in neerfe ay tahay.

Haweenka waa la mid iyagen infekshanka markuu ku daaho waxay dhahaan, lugaha tabardarri ayaan ka dareemaa oo socodka xittaa ma xamili karo.

Fadlan takhtar u tag, sida laguu haayo oo tafaasiilsan u sheeg, baaritaanno halugu sameeyo si aad daawo u heshid.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: Jaamac123 on July 19, 2015, 08:42:05 PM
ASC DR jawaab majiraan wax kabuubyo ah oo aanla kulmay wali       manajiraan wax jug ahoo aan xasuusto  xaglaha mar ay ibarari jireen way jirtey lkn waxay ahyd markaan galo socod dheer lugta midigta  waxaa jira isbedel aad iyo aad looga garan karo xaniinyah waliba xaniinta bidix waana ay daqnanayaan ama damqanayan xaniinyuhu    add oo lama taaban karo dareena kaxagga nin nimada waxaa kajira dareen la aan  waxaan lakulmay dhaqaatiir badan walina wax caafimaad ah lama kul min allaa cafimad leh daawooyin kala duwanna wan qaatay xataa midda daawo dhaqameedka mxaa aan samayn karaa dr?
       
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: Jaamac123 on July 19, 2015, 08:48:53 PM
aad baad u mahad santahay dr talada aad isiisay iyo sida naxriista leh eed iilashaqayseen ha ahaato dhanka hagidda oo aad iaga caawinteen allaha idin caawiyo rd maxaa keena xanuun imaan kadareemo qanjidhada kuyala luga ?
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: SomaliDoc on July 22, 2015, 02:38:50 PM
Qajirrada waxaa alle ugu talagalay in ay infekshanka iyo caabuqa jirka ay la dagaallamadaan, waxay soo daayaan dheecaanno difaca jirka sare u qaado, hadduu caabuqa ka xoog bato ama qofka muddo hayo way bararaaan, sidaas awgeed qanjir bararan wuxuu astaan u yahay cillad raagtay ama dhibaato weyn, waxyaabaha kale ee qanjirka barariyo waxaa ka mid ah xanuunada kansarka.
Infekshannada qaar way dillaaciyaan qanjirka sida tiibishada, bakteeriyada qaar iyo kuwa kalaba.
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: Jaamac123 on July 23, 2015, 09:17:00 PM
aslamucalaykum somalidoc sln kadib wadku mahadsan waa idiinka mahad celinayaa jawaabahad isoo siiseen iyo dhman sida wanagsan ee aad wax iigu faahfaahiseen hadda waxaan qabaa su aal maxaa lagu gartaa ama callamac u ah tbda gasha qanjirada ee gondolaria ? waxaan sheegay waraaqi hii hore ee aad iiga jawabteen  inay xanuun kayga meelaha iigudaran inay kamidtahay qanjidhad iyagoon wax barar ah lahayn   mahad sanidin
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: SomaliDoc on July 25, 2015, 10:58:15 AM
Halkaan ka akhriso waxa lagu garto tiibiida qanjirrada gasho ee gondolaria: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html)
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: Jaamac123 on July 27, 2015, 09:03:24 PM
ASC SOMALIDOC waan idin salamay sln kadib  wxaan idin weydiiyey suaalo badan wxaadna iga siiseen jawaabo aad ii anfacay iyo taloyn waxaan rabaa inaan idin weydiiyo maxaa calaamad u ah infaction ? samayn maku yeelan karaa inuu awooda ragga nimada ama  hada  qaado xaniin yaha wax mayeeli karaa ? mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?
Post by: SomaliDoc on July 28, 2015, 10:21:16 AM
Haddii aad infection-ka ka wado, caabuqa ku dhaco kaadi mareenka iyo xubnaha la xiriiro, halkaan ka akhriso astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html)
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisan kartaa, waxyaabaha yareeya awoodda ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)