Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hodan on July 28, 2015, 09:25:54 AM
-
asc
waan salaamayaa khakhaatiirta qaaliga nagu ah intaa kadib waxaan doonayaa in hal su;aal layga jawaabo waxayna tahay,
caadada ayaa wakhtigeedii dib uga dhacdahay 2 cisho garaac badan oo jiray intaanay wakhtigeeda gaadhin iyo waliba in markii danbe iga yimid dhiig madow oo aan badnayn oo yar mararka qaarna ahaa uskag yar oo cawlan markaa weeka uu socdayna xanuun iyo garaac ayuu watay ma ihi dadka caadada ku xanuusada laakiin doorkan ma garan karo waxa jira iga jaahil saara arrintaa
waad mahadsan tihiin .
-
Hodan, waxyaabo badan ayaa keeni kara iyadoo caadada kuu saxan in ay wareerto ama hakato, dhiigga madaw aad dareentay waxay u badan tahay inuu gudaha ku haray oo inta aad xanuunka dareemaysay iyo majiirka uu sababta isaga u ahaa, kadibna ilaahay kaa keenay.
Halkaan ka akhriso qroaal ku saabsan waxa keeno caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html)
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa waxa keeno in caadada lagu xanuunsado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html)
Haddii aad su'aalo ama faahfaahin labadaas qoraal ku saabsan aad qabtid halkaan ku soo waydii.