Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salmnyare on December 05, 2015, 02:54:58 PM

Title: Su'aal: Maxaa keeno dawakhaada?
Post by: Salmnyare on December 05, 2015, 02:54:58 PM
asc dhaman bahda dhakhatiirta ee uhuray wakhtigooda qiima lehe inay kacawiyaan bulshada somaliyed e walalahoda dhinaca cafimadka
Waxan isku arkay dawakhaad wakhtiyada qaar markaan fadhiga kakoco.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno dawakhaada?
Post by: SomaliDoc on December 07, 2015, 11:40:49 AM
(http://somalidoc.com/Topics/dawakh.png)

Maxay kala yihiin Dawakha iyo Wareerka?

Erayga dawakha siyaabo kale duwan ayay dadka u adeegsadaan, waxaana jiro dhowr xaaladood oo u eg ama lagu khaldi karo dawakha.
Tusaale ahaan, haddii luqadda english-ka loo eego.
Dawakhaad waxaa la yiraahdaa "lightheadedness" oo ah macnaheeda inuu qofka dareemayo inuu suuxi rabo ama madaxa uu khafiif noqonayo, xaaladaan qofka ma dareemo inuu isla wareegayo ama waxa ku hareeraysan inay wareegayaan. waa dareemid suuxdin camal sida indho-madoobaadka oo kale, xaaladaan qofka wuxuu dareemi karaa lalabo iyo matag, waxayna xaaladaan tagtaa markuu qofka jiifsado.

Wareerka oo uu qofka dareemayo inuu dhulka la socdo ama sariirta la sabaynayso waxaa loo yaqaanaa "Vertigo", xaaladaan kuma xirna haddii aad taagan tahay ama aad fadhido, qofkane wuxuu dareemayaa inuu isla wareegayo, ama uu meel ka dhici rabo ama kursiga uu ku fadhiyo inuu la gadoomi rabo, qofka ma istaagi karo mana socon karo, waxay u badan tahay inuu ka dhumo balance-ga oo uu dhaco.

Labadaas xaaladood way kala duwan yihiin waxyaabo kala duwan ayaana keena, waxayna dadka ugu wada yeeraan "wareer" ama "dizziness", Sidaas awgeed qoraalkeenu maanta waxaan ku kala soocaynaa labadaan wareer iyo mid walba waxa keeno.

A: DAWAKHAAD (LIGHTHEADEDNESS)
Qofka inuu dareemo dawakhaad iyadoo cillad wayni aysan jirin way dhacdaa marmarka qaar, waxayna aad ugu badan tahay dadka da'da ah. Dawakhaadu waxay ka timaadaa in cadaadiska dhiiga oo si kadis ah hoos ugu dhaco waana sababta aad loo dareemo markuu qofka istaag ka kaco, taasoo keenayso in dhiiga uu gaari waayo maskaxda, sidaasne lagu dareemo dawakhaad.

Hadduu qofka cilaldaasi isku arko waa inuu is celiyaa oo xoogaa istaagnaadaa inta uusan dhaqaaqin taasi waxay ku caawinaysaa in cadaadiska dhiiga uu caadigiisa ku soo laabto sidaasne uu qofka caadi ku noqon karo.

Haddii aad isku aragtid dawakhaad joogto ah waa in aad si dhakhso ah ula xiriirtid dhakhtar waxaa dhici karo inay cillado kale ay jiraan.

Waxyaabaha ugu caansan ee dawakhaada keeno waxaa ka mid ah:

B: WAREER (VERTIGO)

Wareerka nuucaan ah wuxuu ka yimaadaa hadduu khalal ku yimaado habdhiska kontaroola miisaanka jirka hadduu khalakhal galo, habdhiskaas oo loo yaqaano "Vestibular system" kaasoo dhegta gudaheeda Alle ku abuuray, qofkii dhibkaan haysto wuxuu isku arkaa inuu dhulka la socdo ama uu dhici rabo oo kale, xanuuno badan ayaa keeno in habdhiskaan khalkhal galo waxaana ka mid ah:


SIDEE LOOLA TACAALAA WAREERKA IYO DAWAKHA?
Wareerka "vertigo" ayaa ka halis badan dawakhaada, waana inuu qofka hadduu dareemo astaantaan oo si dhakhso ah ula xiriiro dhakhtarka si loo ogaado cilladaha jiro ee ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay.

Khamriga oo la cabo wuu keenaa labada noco ee wareerka ah iyo daawooyinka qaar khaas ahaan haddii la badsado.

Haddii aad isku aragtid dawakhaad hal mar ah, ha welwelin wax dhib ah oo wayn in aysan ahayn ayay u badan tahay, laakiin haddii ay joogto noqoto waa in aad dhakhtar la xiriirtaa. Hadduu wareerkaaga uu yahay nooca "Vertigo" oo dhulka kula wareeganayo, markii aad jiifatidne ay kugu daran tahay si dhakhso ah ula xiriir dhakhtarka.

Haddii aad su'aalo kale qabtid ama faahfaahin uga baahan tahay qoraalkaan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)