Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on November 24, 2017, 07:40:52 AM

Title: Su'aal: Sida uu u joog ayaa lug xanuunaysaa?
Post by: m.mo141 on November 24, 2017, 07:40:52 AM
Asc , Dr, Waan Idin salaamay , Salaan Kadib Waxaan raaba Suashan Inaad Iga so Jawabtan Idinko mahadsan watan suasha , Aabaheyga ayaa Xanuunsandy o Sidu U Joogo Lug aya Xanuuneyso waxyar kadibne caadi ayu Noqona , Mudo ayuna haayay xanuunkas xididka ah Mudo Kadib aabo Faraha lugta bidix iyo lugta wada xanuunty , Farti Yared o lugta way Madobaty O niman aya Dab Ku dhajiyen way yaraty india ayu aaday farti yareed wala jaray , Lugtana Jilibka Akteda laga qalay O xidido aya Xirmen la furay Waxayna dhahen wa Koristaloor , Aabo hada wu fiican yahay Sidi hore , lkn 2 problem aya Haysato no1 wa marku socdo cabaar Lugta way barabare , Mid 2 aad ne Wuxu Dhib ku qaba Kabaabiyo Jogta ah Dhaqatirta waxay dhahen mudo 6 bilood sidan ayaad ahaane kabaabiyada Dawoyin qaado ,
marka Xog fiican iga siiya bararkan iyo Kabaabiyadan
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Sida uu u joog ayaa lug xanuunaysaa?
Post by: SomaliDoc on November 27, 2018, 07:01:18 PM
Walaal dhibka aabo waxaa la dhahaa "peripheral vascular disease" taasoo macnaheeda ah xididada lugaha ayaanan dhiiga safiican u wadin, xanuunkii hore uu dareemayay ayay ahayd in lagu baraarugo taasoo lagu yaqaano markuu qulqulka dhiiga ku yaraado lugaha waxaana loo yaqaanaa "intermittent claudication", bararka iyo kabuubyada uu hadda dareemayo waxay salka ku haysaa weli isla cilladdii.

Qofka xaaladaan qabo waxaa la siiyaa daawada kolestaroolka hoos u dhigayso, daawo qulqulka dhiigga kordhinayso iyo daawo xidiada weyneysiinayso si dhiiga u maro, haddiise aanan safiican loo daaweynin qeyb walba uu dhiggu ka xirmo way madoobaataa wayna dhimataa in la gooyo ayayne noqonaysaa.

Xaaladaha qaar qofka wuxuu u baahdaa qalliin xidid kale lagu tallaalayo si looga wareegto xididka xiran, taasina waxaa lagu ogaan karaa sawir u gooni ah xididada oo la saaro qofka waxaana loo yaqaanaa "Angiogram". Allaha caafiyo waalidkaa.