Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulahi abdirahman on July 19, 2018, 05:42:38 PM

Title: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa caabuq?
Post by: Abdulahi abdirahman on July 19, 2018, 05:42:38 PM
Asc digtoore magacayga waa abdulahi, waxaan joogaa jigjiga ethiopia.

Diktoore waxaan ka cabanayaa wax aan u maleeyay caabuq, oo sanka ayaa i xiran, neefsashadana waa igu dhib, xanuunkaan horay isuguma aqoon laakiin waxan isku arkay dhawaanahaa, waxaana u aaneynayaa nin aan waayahan danbe isla seexano oo qaba xanuunka caabuqa sanka.
Marka digtoore caabuqa ma la kala qaadi karaa? Sidee loo daweeyaa? Maxaa keena? Ii faah-faahi digtoore kheyr ilaahay haku siiyee.


Su'aasha labaad waxa waye digtoore ilko qurunka, ama gowsaha oo jajabo oo madoow uu galo, ama waxa loo yaqaano (suus) luuqada qalaadna lagu yiraahdo toothdecay ayadana waan ka cabanayaa digtoore.


Su'aasha 3aad digtoore jidhka ayaa i cuncuno mar mar, marka waa maxay taladaada ku aadan xanuunkaasi


Walalkey ahna digtoor ilaahay hakaa ajir siiyee iiga soo jawaab

Mahadsanid digtoore ????????????
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa caabuq?
Post by: SomaliDoc on January 13, 2019, 09:50:26 AM
Jawaabta su'aasha 1-aad: In la isla jiifto laguma kala qaado caabuqa sanka, sida loo daaweeyane faahfaahintiisa ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)

Jawaabta su'aasha 2-aad: Sidoo kale suuska waxaa keeno cillado dhowr ah, faahfaahin ku saabsan cilladaan ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=589.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=589.0)

Jawaabta su'aasha 3-aad: Xajiinta ama kor cuncunka waa cillad Allarji ah, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=532.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=532.0)