Recent Posts

Pages: [1] 2 3 ... 10
1
Qaybta Su'aalaha / su aal
« Last post by Mohamed Abubakar on July 22, 2018, 01:06:06 PM »
asc dhamaan bahda dhaqaatirta ka howl gasho webkaan salaan kadib aad ayaad ugu mahasantihiin howsha aad somali weyn u heysaan alle ha idinka ajir siiyo amin
waxaan doonaayey in aan su aal aad igaga jawaabtaan taas oo ah mid ku saabsan caloosha mudo ayaan caloosha ka xanunsanayey 2013 ayaa caloosha tubo leyga galiyey waxaa leygu shegay gastric lkn waxey ii shegeen in uusan eheyn mid daran  kaniini ayey ii soo qoreen  2014 ilaa 2017 wan dareemi jiray lkn markii uu igu kaco kaniini ayaan iska cuni jiray cilad dhanka saxrada ahne wan qabay mudadaas oo marne adeeg noqonee mar marka qaarne in ila 3 ila 4 malin saxro laheyn kadib waxan dhigaa saxro aad u jilcan oo aad moodo bas mar marka qaarne sida wax kalo go go an  2017 waxan dareemay in uu said yahay xanuunka kaniini kasto oo aan cunane waxba iga tareynin dhaqtarkeyga ayan u tagay waxaan u sharaxay sida ley haayo kadib baritaan ayaa ley diray baritaanka wuxuu ahaay neefteyda ayaan ku afuufaa bahal yar oo la xiraa kadib baritaankuu wuxuu sheegay in caloosheyda ay dhaxfadhiso bakteeriyo ladhaho H PYLORI
kadib waxaa leysoo qoray labo kaniini waxaan ka xasuustaa PYLERA 140 mg oo aan 4 waqti aan cunaa subaxii 3 duhurkii 3 fiidkii 3 iyo saqda dhaxe 3, 24 saac kasto sas ayaan sameynayey inkasto aan ku xanunsaday lkn wan dhamestay kadib dhaqtarkii ayan ku labtay wuxu ii soo qoray kaniini kale asigane wan dhamestay lkn waxan dareemaa in wali xanuunkii jiro wan ku labtay dhaqtarkeyga wuxuu ii gudbiyey dhaqtar kale dhaqtarkii wuxuu dhahay waa in tubo lagu galiyaa tubadii aya ley galiyey waxaa leygu shegay in calosheyga ay nabro ledahay dhaqtarka kaniini ayuu ii soo qoray ladhaho Esomeprazole mylan 40mg wan dhamestay wali waxaan dareemaa xanuunkii wan ku labtay markii aan u shegay san wax u dareemaa wuxuu ii soo qoray kaniini aan horay u isticmaalay oo ahaay PYLERA 140 mg iyo mid kale Esomeprazole teva 40 mg  wan u shegay kaniinigaan in aan horay u cunay oo aan bakteeriyo u cunay wuxuu dhahay wa in aad mar kale cuntaa 
pylera 140 mg wan dhamestay Esomeprezole 40 mg aya wax yar iiga dhimanyihiin waline waxaan dareemaa xanuunkii
waxaan dareemaa in calosha ibuuxdo mar marka qaaar xanuun dhanka iyo midhicirada iyo dhabarka saxrada wey adag tahay inta badan mar marka qaarne 3 ila 4 malin mabalihi wax saxro ah mar marka qaarne wey jilcantahay lkn marka ay jilicsantahay dhoor mar ayan musqusha galaa malinkaas waxaan rabaa docter adigoo macluumaadkeyga ku saleynaa jawaabteyda in aad ii turxaan bixiso waxa aan sameyn karo ama cilada mesha ay ka jirto wad mahasantihiin
2
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: dhiig badnida ma keenaa hurdo badan?
« Last post by Ahmed tilmaame on July 21, 2018, 11:19:25 AM »
Salaanta islaamka kadib .
Waxa aan isku arkay Hurdo badan maxaa sababa mida kale dhiiga oo bataa ma sababaa Hurdo badni?
3
Cudurrada Guud / Su'aal: Ciyaalka shikshiko?
« Last post by Saneeti on July 21, 2018, 10:06:04 AM »
asc dr waan diin salamay dhamaan Dhaqatiirta ka howl kasho websiteka somalidoc  waan idinku mahadcelinaa sida wangsan oo aad bulashada ugu shaqeeyneeysaa haben iyo maalin
waxaan rabaa in aan diin weydiyo suaal yar  oo ku saabsan caruurta  markii aay hadalka baranayaan oo shik shika ku bilowda
maxaa keeno shikshikaan oo hadalka qaar ku dhagaayo hadii aay weynaada miyuu ka haraa mise ila cimrikooda ak dhiman wey shik shikayaan

mahadsandiin
4
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Dhimbil dab ah in calaacasha la iga saaray?
« Last post by Sharmake macalin on July 21, 2018, 05:45:33 AM »
Dr subixii markaan soo tooso ama galabtii ama markaan cabaar meel iska jiifsado ayaan waxaan aadmoodaa in dhimbil dab ah la iga saaray calaacasha lugaha cagta hoose meesha jilicsan markaan cabaar socdana way iga baa ba aysaa.
Badanaa waxaan u baahanayaa in aan meel kaabada ama meel soo taagan ku qabto si xanuunku iiga ba'o
 
Thnks dr
5
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Waxaan ka cabanayaa caabuq?
« Last post by Abdulahi abdirahman on July 19, 2018, 05:42:38 PM »
Asc digtoore magacayga waa abdulahi, waxaan joogaa jigjiga ethiopia.

Diktoore waxaan ka cabanayaa wax aan u maleeyay caabuq, oo sanka ayaa i xiran, neefsashadana waa igu dhib, xanuunkaan horay isuguma aqoon laakiin waxan isku arkay dhawaanahaa, waxaana u aaneynayaa nin aan waayahan danbe isla seexano oo qaba xanuunka caabuqa sanka.
Marka digtoore caabuqa ma la kala qaadi karaa? Sidee loo daweeyaa? Maxaa keena? Ii faah-faahi digtoore kheyr ilaahay haku siiyee.


Su'aasha labaad waxa waye digtoore ilko qurunka, ama gowsaha oo jajabo oo madoow uu galo, ama waxa loo yaqaano (suus) luuqada qalaadna lagu yiraahdo toothdecay ayadana waan ka cabanayaa digtoore.


Su'aasha 3aad digtoore jidhka ayaa i cuncuno mar mar, marka waa maxay taladaada ku aadan xanuunkaasi


Walalkey ahna digtoor ilaahay hakaa ajir siiyee iiga soo jawaab

Mahadsanid digtoore ????????????
6
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Qaliin xaga lugaha lagu sameeyo?
« Last post by Shirik44 on July 19, 2018, 12:29:16 AM »
Waan ku salamay doctor
Dr wXaan rabay inaan ku waydiiyo qof lugaha ay qaloocaan qaliin ma lagu samayn karaa si loo toosiyo intee maalmo ayuu qaadanayaa hadu jire se
Halis ma yahay
Mahadsanid .....
7
Cudurrada Guud / Goonjab / Goonjabshe / Dhanjaf / Migraine
« Last post by SomaliDoc on July 18, 2018, 08:01:50 PM »


"Waxaan isbadal ka dareemaa aragga sida iftiin walac walac leh ama biriqa TV-ga markii la shido oo kale ama muuqaallada aan arkayo oo is dhaxgalgala ama xariiqmo ama goobaabinno isku dhex yaacsan oon arko, waxyar ka dibne madax xanuun siyaado ah ayaan dareemaa una badan hal dhinac, iftiinka iyo shanqartane way i dhibaan, xilliyada qaarne lalabo iyo wareer ayaan dareemaa. markaas waxaan jeclahay in meel mugdi ah oo buuq lahayn jiifto inta madax xanuunku i daynayo".

Bismillah,

Akhristow haddii aad leedahay madax xanuunka leh astaamaha kore waxaa loo yaqaanaa "Gonjab" ama "Dhanjaf", afka qalaadne lagu dhaho "Migraine", waa madax xanuun daran oo qaab dikaan camal ah loo dareemo, badanaa hal dhinac ayuu u badan inkastoo mararka qaar dhinaca kalane ku fido, qofka wuxuu hayn karaa saacado ama maalmo, mararka qaarne qofka howl kama qabsan karo.

Astaamaha lagu garto Xanuunkaan:

Marxaladda 1-aad:
Maalmaha ka horeeya madax xanuunkaan waxaa la dareemaa astaamo tilmaamayo in xanuunka kugu soo wajahan yahay, waxaana astaamahaas loo yaqaanaa "Prodrome", waxaa ka mid ah: calool fadhi, niyadjab ama kacsanaan, cunto cunis badan, murqaha qoorta oo adkaadaan, oon badan ay la socoto kaadi adan iyo halaaqyo siyaado ah.

Marxaladda 2-aad:
Daqiiqadaha ka horeeya madax xanuunkaan waxaa indhaha laga dareemaa isbadal aragga ah sida kor ku xusanba, hillaac, biriq biriq, aragga oo nus noqdo, xariiqmo iyo goobaabino socsoconaya ama is dhexgalgalaya, waxaa kaloo la dareeraa kabuubyo wajiga iyo bishimaha, hadalka oo ku dhibo mararka qaar gariir jirka ah. dad dhif ah ayaa dareemo in wajiga, qoorta, garabka iyo gacanta oo hal dhinac ah oo dareenka ka tago, xaaladaas oo loo yaqaano "Hemiplegic migraine"

Marxaladda 3-aad:
Waxyar kadib madax xanuunkii ayaa la dareemaa, qofkane waxaa dhiba iftiinka, shanqarta, wuxuu dareemaa lalabo, matag, arag aan waadix ahayn iyo wareer. waxaad marxaladaan ku jiri kartaa saacado kooban ama sadax maalin.

Marxaladda 4-aad:
Markuu madax xanuunka kaa tago, waxaad sii dareemi kartaa caajis badan, daal, murqo xanuun iyo iftiinka oo u sii dhibo, waxay astaamahaan sii socon karaa 24 saac ama ka yar, waxaana loo yaqaana "post-drome".

Maxaa keeno goon-jabka?
Illaa iyo hadda safiican looma fahansano waxa keena goonjabka / dhanjafka iyo xiriirka hidderaacnimo, waxaa la ogyahay kaliya in xanuunkaan ka dhasho isbadal ku dhaco dhambaalada maskaxda nuuca loo yaqaano "Serotonin", laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo kiciya xanuunkaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
  • Isbadalka hormoonada ee haweenka: waana sababta haweenka qaba goonjabka uu ugu kaco xilliga caadada, sidoo kale daawooyinka uurka looga hortago ee hormoonka ka samaysan haweenka qaar ayay ku kiciyaan.
  • Waxyaabaha cuntada lagu daro: cunnooyinka qasacyada ku jira waxaa lagu daraa wax dhadhanka macaanka u yeelo loona yaqaano "Aspartame" iyo walaxaha lagu xifdiyo ee loo yaqaano "MSG", labadaas waxyaaboo cunnooyinkii ay ku jiraan dadka qaba xanuunkaan way ku kiciyaan.
  • Cunnooyinka qaar: farmaajada raagtay, cuntada dhanaanka ah, shukulaatada iyo wixii lagu darayba.
  • Cabitaannada: kaffayga iyo khamriga.
  • Welwelka: niyadjabka iyo diiqada ka dhalato goobta shaqada iyo guriga waxyaabaha kiciyo xanuunkaan ayay ka mid yihiin.
  • Waxyaabaha dareemaha kiciyo: sida iftiinka xooggan, qeylada dheer, carafta siyaadada ah sida barafuunada qaar, daawada rinjiga, qiiqa sigaarka IWM.
  • Hurdo xumida: dhafarka iyo hurdo yarida.
  • Shaqada culus, galmada, isbadalka cimillada iyo daawooyinka qaar waxay ka mid yihiin waxyaabaha kiciyo goonjabka / dhanjafka.

Yaa halis ugu jira xanuunkaan?
Haddii qof qoyska ka mid ah uu qabo xanuunkaan, jaaniska inuu kugu dhaco way saraysaa, sidoo kale afar jeer markii loo dhigo, sadax dhig xanuunkaan wuxuu ku dhacaa haweenka, badanaa haweenka markay dhalmogooyaan kuma dhaco xanuunkaan.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?
Haddii aad garatid waxyaabaha kugu kiciyo goonjabka, kadibne ka fogaatid waxay kugu caawinaysaa in xanuunka uu kaa tago ama yaraado, waa muhiim inaad ka fogaataa waxyaabaha kiciyo ee kor ku xusan hadduu xanuunka joogto kugu yahay.

Sidee loo daweeyaa Goonjabka/dhanjafka?
Goonjabku ma lahan daawo kaa wada tagsiinaysa xanuunka ama kaga bogsanaysid, laakiin waxaa jira daawooyin xanuunka yareeyo ama looga hortago markad dareentid inuu kugu soo socdo, daawooyinkaasi waxaa loo yaqaanaa "Triptans", sidoo kale waxaa jira kuwa loo yaqaano "Ergots", haddii xanuunka uu joogto kugu yahay, markuu ku qabtane uu 12 saac ka badan ku haynayo, daawooyinka madax xanuunkane ay wax kaa tari la'yihiin waxaa laguu bilaabi karaa daawooyin ka hortag ah ama lagula talin karaa qalab danab leh loona yaqaano (t-SNS), kaasoo madaxa lagu xirto.

Xanuunada lagu qaldo Goonjabka:
Goonjabka / dhanjafka waxaa lagu qaldaa madax xanuuno kale oo ka duwan, link=gaan ka akhris nuucyada madax xanuunada iyo waxa ay ku kala duwan yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, hoos nagu waydii, haddii aad su'aal qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha ee website-ka, haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka la hadashid, fariin ugu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
8
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Ayeeyo way wareeraysaa markay kacdo?
« Last post by Abdihakimlove on July 18, 2018, 07:07:26 PM »
Salaamu calaykum doctor salaan kadib waxaan jeclaay in aan ku waydiiyo su aal
Waxaa jira ayeeyadey in ay aad u wareerayso marki ay hurdada iyo gadhiga ka kacdo . Waxaan ka cabiray dhiiga cas waxa uuna mara 10 ilaa 13  waxayna qabta Gaas marka dr maxaa sababi kara wareerkaas
Mahadsanid
9
Qaybta Su'aalaha / Re: Su'aal: Dhibane gynecomastia naaso barar?
« Last post by Sadaq on July 15, 2018, 10:48:10 AM »
sidee u helaa dhaqatiir qaliin ku suubiso
10
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Barar lugaha ayay hooyo leedahay?
« Last post by Madar Aden on July 14, 2018, 03:49:17 PM »
asc walaal waxan donayay in aan dhakhtarka waydiiyo
hooyaday ayaa waxaa ay leedahay barar xaga lugaha oo aad moodayso markaa argto dhiig isguntay  wayna xanuuna mararka qaar dhakhtarka markay utagtayna  wuxu soo siiyay uun infarction ah iyo diclofiin ah marka doctor ma infaction luguha Ku dhaca ayaa jira mahsanidiin
Pages: [1] 2 3 ... 10