Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on July 21, 2009, 10:50:35 PM

Title: Bukashada Caloosha (Gastroenteritis)
Post by: SomaliDoc on July 21, 2009, 10:50:35 PM
(http://somalidoc.com/Topics/GE.png)

Horudhac
Gastroenteritis waa bukasho si caadi ah ku dhaco mindhicirta kaasoo keeno matag iyo shuban. Waxaa keeno baktiirya, fayrusyo iyo waxyaabo kale.
Xanuunada badankooda waa laga fiicnaadaa maalmo gudeheeda. Haddii matagga iyo shubanka ay aad u xun yihiin, waad fuuq bixi kartaa, taasoo loola jeedo inuu jirkaada ku yaraan doono biyo ku filan. Kani aad ayuu halis ugu yahay dhallaanada iyo carruurta yar.

Calaamadaha
Calaamadda ugu caansan ee infekshanka caloosha waa shuban iyo matag. Dad badan waxaa xittaa ku dhaco calool xanuun, xummad iyo madax xanuun.
Calaamadaha waxay caadi ahaan socon doonaan dhowr maalmood, laakin waxay socon karaan ilaa hal toddobaad. Haddii aad qabtid shuban iyo matag daran, ama uu ku haayo waqti dheer, waad biyo beeli kartaa (fuuqbax). Kani waxaa loola jeedaa in biyo kugu filan uu jirkaaga ku jirin.
Calaamadaha inaad biyo la?'aan tahay waxaa ka mid ah, indhaha oo god gala, afka oo qalalan iyo kaadi aad u yar oo tiq ah.

Sababaha
Fayrusyada waxaa si fudud loo kala gudbin karaa qof ka qof markii ay xiriir yeeshaan, ama markii uu qof cudurka qaba dad kale cunto u kariyo. Mar-mar gastroenteritis waxaa keeno sunta cuntada ku jiro. Waxaa jiro noocyo badan ee bakteeriya ee cuntada sumayn karo sida kuwa lagu magacaabo E-coli iyo salmonella. Biyo bakteeriyo soo gaartay ama ay wasakhaysay ayaa sababta ugu weyn ah.

Daawaynta
Waa inaad dareere badan cabtaa, gar ahaan biyo, sidii aad uga hortagtid fuuq bax. Dadka qaarkood waxay qaataan cabitaanada biyaha ku soo celiya jirka (ORS), kuwaaso aad ka heli kartid farmashiistahaaga. Isku day inaad cunno cuntid haddii aad awoodo. Dadka badankooda uma baahno daawooyinka looga hor-tago shubanka, laakin waxaad ka heli kartaa farmashiistahaaga. Carruurta ha siinin daawada loogu hor-tago shubanka.
Haddii calaamadaha ay aad u xun yihiin ama ay ficnaan waayaan, takhtarkaaga ayaa sambal ka qaadi karo shubankaaga sidii ay u ogaadaan nooca bakteeriyada iyo go'aan uga gaaraan daawaynta dheeradka ah, haddii loo baahdo.

Ka hor-tagga
Habka ugu fiican ee looga hortago in la qaado gastroenteritis waa markii la raaco hab-dhaqan nadaafad fiican leh. Mar walba gacmaha iska dhaq ka dib markii aad suuliga tagto, ka hor intiii aadan cunto taaban, ka dib markii aad beerta ka shaqeyso ama suuqa ka timaado. Shukumaanada wayn ama kuwa yar ha la qaybsanin dadka kale oo qabo infakshanka, si joogto ah u nadiifi suuliga ay isticmaaleen. Waxaa fiican inaadan dugsi ama shaqo aadin markii aad qabtid shuban iyo matag, waana in aad ka fogaataa ugu yaraan ilaa 48 saacadood laga bilaabo markii kugu dambaysay ee aad matagtey ama shubantey, sidii aad uga hortagto inaad dad kale cudurka ugu faafiso. Kani wuxuu gaar ahaan u fiican yahay haddii aad maqaayad ka shaqeyso.

Haddii aad su'aalo qabtid, hlakaan ka weydii
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)