Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aswad123 on February 13, 2015, 11:53:48 PM

Title: Su'aal: Kabuubyo caloosha oo dhan ah?
Post by: Aswad123 on February 13, 2015, 11:53:48 PM
Assalamucalaykum wallal waan idinsalamay salaan kadib su,aashaydu waxay tahay waxaan qabaa xanuunka sonkorta dadayduna waa 28sano
waxaan maalmahan danbe isku arkay kabuubyo caloosha oo dhan ah maxaa keena kabuubyadaas caloosha.
waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Kabuubyo caloosha oo dhan ah?
Post by: SomaliDoc on February 14, 2015, 03:34:09 PM
Sonkorta waxay dhaawac u geysataa neerfaha jirka, inkastoo naawacaas u badan yahay neerfaha lugaha iyo gacmaha laakiin way jiraan dad ay ka saamayso jirka qeybihiisa kore.
Calaamadaha neerfaha sonkorta keento waxaa ka mid ah in jirka meel ka mid ah alga dareemo kabaabyo ama in ay wax jirka ku dul socdaan sida quraansho oo kale ama in ay cirbado ku mudayaan.
Lugaha iyo gacmaha waxaa laga dareemaa kabuubyo aad mooddo in ay iskaalsho kuugu jiraan oo kale adigoo aanan wax gashanayn.

Haddii calaamadahaan lagu arko qofka waa in alga siiyaa daawo neerfaha ka dul qaadda dhibaatada sonkorta, fadlan la xiriir takthar sida ugu dhakhsiyaha badan.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurrada neerfaha iyo waxa ay kala yihiin. (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html)

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa