Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Randa xasan on July 10, 2017, 09:41:08 AM

Title: Su'aal: Xilliga cadadu baa isbadal ka arkaa?
Post by: Randa xasan on July 10, 2017, 09:41:08 AM
asc Dr waxan Ku waydinaya suaal kusabsan cadada da.deydu 23 waxana ahay xaas ilmana madhali 3sano reerkegu wu dhisanyahay alx marka xiliga cadadu ba isbadal ka arka yacni imatinkeda mar 28beri bay IGA maqnata mar 21bey maqnata taasi dhib miya xaga cafimadka tankale cadadu malmo badan igama socoto ugu yaran wa 2days marna wayba ka yartahy inta kadib marka cadada ka qubeysto oo week laga jogo waxan isku arka qoyan an badnen iyo wax jiidmaya o sidii diifka o kala tasi ma LA orankara uganti weye Dr aniga iyo ninkeguba wanu isbarney isaga shahwadisu waxba ma qabto sida nalo shegay ana drku wuxu iso qorey kanin kasameysan dhir oo uu yiri ugantu diyariya waxba ma qabtidna wuu iyiri insha alah Dr jwb waafi ah ban kasugi hadii ebe idmo insha alaaah
Title: Re: Su'aal: Xilliga cadadu baa isbadal ka arkaa?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2018, 01:14:48 PM
Caadadu si dabiici ah maalmo way dib dhici kartaa iyadoo wax cudur ah jirin, tilmaanne uma ahan xanuun, waxa cadka ah ee kaa yimaada ugxan maahan, haddii uusan cuncun jirin waa dhareerka minka afkiisa, kaasoo loo yaqaano "Cervical mucus", haddise cuncun iyo dahbar xanuun la socdo waxay u badan tahay caabuqa uu keeno jeermiska fangaska ee "candida".

Way dhacdaa in lamaanuhu wax isku dhali waayaan iyagoo labadooduba caafimad qabaan, laakiin tii Alle ayaa dhiman, haddii ay qoran tahay inaad wax isku dhashaan waad heli doontaan ee Alla tala saarta.