Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zahra Kulmiye on April 30, 2017, 12:13:44 AM

Title: Su'aal: Biyaha madaxa gala?
Post by: Zahra Kulmiye on April 30, 2017, 12:13:44 AM
Asc
Waxan haysta ilma sanad ka yar.
Marku dhalanayey aya laso jiiday madaxa geeska aya buuratay mudo kadib way ka baday waxna laguma samayn.
Hada marku meel madaxa ku dhufsado ama u dhaco way kuusmaysa meeshu xooga kadib wey sii weynaanaysa 2 week kadib way baday.
Dhakhtar lageyey waxu ku shegay biyo mahan barar ama dhiig faristay waa biyo iskood bayna u ba,ayan ayu yidhi waana wax so noqnoqonaya
Lafta iyo maskaxdu waxba ma qaban ayuu yidhi baritana laguma samayn Kaliya wuu tabta.
Ilmuhuna waa dabici tarts,cuntada dhaman xaladisa kale.
Waa maxay biyahas mase yihin khatar warwar ayan ka qaba.
Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Biyaha madaxa gala?
Post by: SomaliDoc on September 17, 2017, 08:53:00 PM
Waa sida dhakhtarka uu kuu sheegay maahan biyo waa dhiig fadhiistay maqaarka hoostiisa waxaana loo yaqaanaa "Hematoma", waana arrin ka timid jugta, haddii aad aragtay in caruurta kale uu ka duwan yahay oo jug khafiif ah uu sidaa ku noqonayo waxaa dhici karta in cillad dhiigbax uu qabo, waana in la baaraa khaasatan haddii aan weli la gudin. xanuunka ugu badan ee dhiigbaxa u keeno caruurta waxaa loo yaqaanaa "Hemophilia"