Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Athnaan on April 24, 2017, 09:18:00 AM

Title: Su'aal: Waxaan ahay hooyo Uurki u horeeyay leh?
Post by: Athnaan on April 24, 2017, 09:18:00 AM
Asc Somali Doc labo mar su aalo in waydiiyay iimana iidan soo jaawaabin please tan hala iiga soo jawaabo,
waxaan ahay hooyo Uurki u horeeyay leh bishi todobaad baan ku jiraa mudo hada bil laga joogo ayaan la kulmay hurdo yari habenki inaan 2 hours ka badan seexan karin ma garanayo cilada I haysato cunada caadi baan u qaataa problem kale ima haysto nolashayda happy baan ku ahay marka waxa kaliya ah oon u baqayaa waa ilmahayga cilada hurdo la aanta ah intaan gabadha ahaa baan isku arkay balse bishi labo ama sadex habayn unbaan arki jiray marka maxa igula talinaysaa please ii soo jawaaba
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay hooyo Uurki u horeeyay leh?
Post by: SomaliDoc on September 04, 2017, 08:36:54 PM
Bilaha ugu dambeeyo ee uurka waa la dareemaa hurdo la'aan laakiin maadaama aad ii sheegtay in adigoo gabar ah aad isku arki jirtay hurdo xumida, halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo waxyaabaha keeno hurdo la'aanta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2045.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2045.0)

Waxaa kaloo muhiim ah in aad akhrisatid qoraalkaan oo ka hadlayo cilladaha ay hooyooyinka uurka leh isku arkaan iyo qaababka loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1203.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1203.0)