Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maajid Salman on August 12, 2015, 01:10:29 AM

Title: Su'aal: Afka oo nabaro iga soo baxaan?
Post by: Maajid Salman on August 12, 2015, 01:10:29 AM
Asalamu calaykum .......Sua'aal ayaan qabaa ...Wiil dhalin yaro ah baan ahay mudo 3 sano ah ayaa isku arkey afka oo nabaro iga soo baxaan nabaradaas oo xanuunbadan marka aan cadayanayo ama cunto aan cunayo iyo markaan hadlayoba....markii uu xanuunku isoo bilaabmayey dibnaha tahoose iyo tasare ayuu iga soo bixi jirey mudo 3 week ahna wuu ixanuuni jirey hadana wuu iska tagi jirey....imika sanadkii ugu danbeeyey wuu igu batey ilaa carabka iyo cunaha ayuu iga soo baxaa...bilkastana wuu iga soo baxaa anigoo 3 week xanuunkiisa la ka deedan ayuu markuu ilaa 3 cisho uu afku cadigiisii igu soo noqdo ayuu hadana i bilaa baa wali daawo maqaadan cidna u masheegin dhib kaas ayaa i haysta Please xanuunkan muxuu yahay?
Title: Re: Su'aal: Afka oo nabaro iga soo baxaan?
Post by: SomaliDoc on August 12, 2015, 01:39:57 PM
Xanuunak sidaa laguma fahmi karo, maxaayeelay nabro kala duwan oo ay keenaan xanuuno kala duwan ayaa ka soo baxo afka, xanuun leh illaa cunahane ku faafi karaan, waxaa loo baahan yahay in nabrahaas la arko oo aad la xiriirtid dhakhtar.
Nabraha qaar ee afka ka soo baxo waxay ka tarjumaan xanuuno halis ah ee waxba ha qarsanin ee dhakhtar la xiriir maadaama ay tahay cilald kugu soo laalaabatay dhowr jeer.