Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on September 06, 2016, 11:14:05 PM

Title: Su'aal: Maxaa sababa wadna jiitan?
Post by: Abdi21 on September 06, 2016, 11:14:05 PM
asc wr wb walaal doctor waxaan maanta dareemay wadnaha inuu ijiidmayo xanuun yar oo dikaan oo kale ahna dareemayo iyo in madaxa i wareeraa  tan kale gastric ayaan qabaa maantana baahi baan ku raagay hoowlo jiray aawgood waxan kale oo dareemaa gacmo dhidid iyo mar gacmo qaboow shalay iyo daraadna waxaan isku arkay dhiig markaan saxarada iska tiro ah weliba marka ugu danbeeysa ah waana dhiig fresh ah marka ma futo dilaacbaa mise waa wax kale waan fahmi waayay talo isiiya iyo waxa keeni kara ama cudurada keeni kara wadna jiitanka
Title: Re: Su'aal: Maxaa sababa wadna jiitan?
Post by: SomaliDoc on October 19, 2016, 06:54:57 PM
Wadna jiitanka, wareerka, gacmo dhididka iyo qabowga intaba waa astaamo in cadaadiska dhiiga uu ku dhacayo "Hypotension", waana arrin ku badan dadka Gaaska qabo, waa inuu qofka biyo badan cabaa oo uu nastaa inta cadaadiska uu ka soo kacayo, midda kale ee ku saabsan dhiiga saxarada la socdo waxaa dhici karto in baabasiir uu yahay ama futo dillaaca, ka akrhiso halkaan qoraal ku saabsan labadaba: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=891.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=891.0)

Hadduu dhiiga sii socdo waxaa laga yaabaa in wareerka uu kugu sii bato, taasina waxay astaan u noqon kartaa dhiig-yari, Fadlan la xiriir dhakhtar si laguu baaro.