Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed12 on March 19, 2015, 09:29:57 AM

Title: Su'aal : Jarees aan ka dareemaa lugaha iyo dakarka?
Post by: Mohamed12 on March 19, 2015, 09:29:57 AM
Asc dhamaan bahda caafimaadka webkaan waa idin salaamay
salaan kadib
waxaan lugaha iyo dakarka  kadareemaa jarees oo aan moodo iney wax kudhex soc socdaan una badan lugta midig marka waxaan doonayaa cudurkaas magaciisa iyo daawadiiisa


                            mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal : Jarees aan ka dareemaa lugaha iyo dakarka?
Post by: SomaliDoc on March 21, 2015, 04:14:01 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dubaaxin.png)

Jarees ama gariir laga dareemo lugaha ama xubinta taranka, waxay ka timaadaa cillad murqaha ah oo loo yaqaano "Fasciculation", waxaa arrintaaan loo yaqaannaa "Dubaaxin". waxyaabo badan ayaa keeni karo, marmarka qaarne si dabiici ah ayay iskaga dhacdaa, wayna baaba'daa oo wax laga walwalo badanaa ma ahan.

Murqaha oo dubaaxiyo waa wax arrin la xiriirto neerfaha quudiyo murqaha dubaaxinayo, waxaa badanaa laga dareemaa indhaha, waxaana la dareemaa jarees baalsha kore ama hoose ee indhaha, waxayna dhacdaa markii isha juhdi dheeraad ah la saaro ama in muddo ah la horfadhiyo computerka, akhriso qoraal aan uga hadalnay arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6257.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6257.0.html)

Waxaa kaloo laga dareemi karaa garbaha dhexdooda, bowdyaha iyo murqaha kubka, midda jirka hoose waxay ka imaan kartaa in jirkaaga ku yaryahay waxyaabaha nafaqada leh sida kaalsiyam-ka, bootaasiyam-ka iyo maadada magnesium-ka.

Waxaa kaloo keeni karo caajis iyo daal murqaha ah iyadoo muddo la adeegsaday sida in la lugeeyo waqti dheer, in la sameeyo siigo ama galmo xiriir ama in jaranjaro orod lagu fuulo iyo wixii murqaha si dhakhsa ah u daalin karo.

Waxaa kaloo cilladaan isku arko dadka qaba welwelka iyo stress-ka, taasne waxay ka timaadaa kacsanaanta neefaha, qorka cilladaan haysane jirka oo dhan ayuu ka dareemi karaa inuu dubaaxinayo, sidoo kale daawooyinka qaar way keenaa dubaaxinta qeybo ka mid ah jirka.

Arintaan ma ahan wax laga walwalo ama dhakhtar loo aado, waxay socotaane waqti kooban, kadibne way iska baaba'daa, waana wax aad ugu badan bini'aadanka.

Haddii aad dareensan tahay in cilladaan ay joogto kugu tahay ama ay ka soo darsanayso ama aadan aaminsanayn in daal iyo nafaqo la'aan la xiriirto, fadlan la xiriir dhakhtar si laguu baaro.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha, ama igala soo xiriir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)