Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Libanmohamud on July 27, 2017, 06:27:12 AM

Title: Su'aal: Waxaan xanuun ka daremaya murqaha?
Post by: Libanmohamud on July 27, 2017, 06:27:12 AM
marka hore waxan salamaya dhakhatiirta ku howlan siday bulshadoda uga cawiyan caafimadka una wacyig galiyan si jogta ah wad ku mahadsantin guulaysta
hadan u so dhadhaco su.ashan rabay in an idin way diyo xanunkaygu waa sidan murqaha garbaha waxan ka daremaya gariir wax an hal daqiiqo an dhameyn gariirki way iga bayan xita waxan ka daremi jiray wadna inkasto dhakhtar wadno an u tagay oo uu iyiri waxad qabto maleh iyado laysaray computerka wadnaha ECo iyo ECG wax laygu shegana ma jirto waxan daremi jiray dal fara badan hada wan ka ronahay wan ku labatay dhakhtarka wuxu iyiri waxa ku haya gas wax kale ma jiro ciladayduna waxay u badntay murqaha garbaha oo i bod bodayo iyo mararka qar wadna oo xita i bod bodayo xanun kama daremo marku i bod bodayo wadnaha inkasto hada an sidi hore dhamo wad mahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Waxaan xanuun ka daremaya murqaha?
Post by: SomaliDoc on May 25, 2018, 11:32:54 AM
Gaasku wuu leeyahay wadne garaac iyo daal, afqallayl iyo wareer laakiin murqaha ma boodboodaan inkastoo caabuqayada ku dhaca caloosha ay intaasba wada yeelan karaan sida amoeba-ha ama jaariyaha oo kale, waxaa haboon in aad saxarada iska baartid si loo ogaado in caloosha lagaa hayo.

Akhriso qoraal ku saabsan caabuqa amoebaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0)
Akhriso qoraal ku saabsan caabuqa jaardiyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=837.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=837.0)