Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on October 15, 2017, 01:58:02 PM

Title: Su'aal: Naxdin aan dareemayo mar kasta?
Post by: Kaltuun on October 15, 2017, 01:58:02 PM
asc somalidoc waxan raba inaa isiiso macluumad ku saabsan naxdin aan dareemayo markasta aan maqlo qofba shaqo helay camal amaba aan xanaaqo xataa hadaan murugo la kulmo wan naxaa dhiigaga caadada haduu igusoo socda amaba maalinta uhorayso wan naxaa 24years ban jiraa iguma cusba caadada xataa qof hadaan hooyo ku diro hadhow ban ka naxayaa oo is oranayaa mxaa ugu diraysay soo kle hadaan ilmaha dilo wanka naxayaa adigu dr naxdin baa igu programsan aanan granayn waxay tahy xata hadi qof dhinto wan naxayaa sidii in ana laygu yiri wad dhiman inahaas ban ka cabanayaa dr adoo mahadsan jawab igasii waan dheereyey qoraalke iga raali ahow.
wasalaamu calaykum
Title: Re: Su'aal: Naxdin aan dareemayo mar kasta?
Post by: SomaliDoc on November 18, 2018, 11:10:09 AM
Inkastoo aadan sheegin astaamo kale oo naxtinta la socdo, laakiin waxay iila muuqataa cabashadaadu inuu welwelkaagu siyaado yahay ama dareenkaagu mar walba kacsan yahay, xaaladaan marne dabeecad ayay noqotaa, marne xanuun welwel.

Markay dabeecad tahay, qofka wuxuu leeyahay astaamo kale oo badan, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7953.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7953.0)
Markay cillad nafsaani ah tahayne halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5865.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5865.0)