Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ali Omar on December 09, 2017, 05:42:25 PM

Title: Su'aal: Cilladda Varicocele iyo saamaynteeda muddada fog?
Post by: Ali Omar on December 09, 2017, 05:42:25 PM
Asc. Dr aad baad u mahadsantahay. Khayr badan Allaha kuugu bedelo shaqada wacan eed Soomaali u hayso. Waxan akhristay qoraal aad ku faahfaahisay cilladda Varicocele. Calaamadahan varicocele eed sharaxday ayaan isku arkay muddo 10 sano ka hor ah. Wax xanuun ah ma lahayn balse burtuqyo ayaan ka dareemay xiniinta bidix korkeeda iyo gadaasheeda hoosna way u dhaadhacday. Warwar badan baan ka qaaday markii aan isku arkay. Ilaa xilligaas waxba iskama bedelin; macnaha xanuun kuma soo kordhin calaamadihiise wali way muuqdaan. Hadda 33 jir baan ahay 6 sano kahorna waan guursaday. Allaah mahaddii 3 carruur ah baan dhalay oo midka ugu yari bilooyin jiro. Maaddaama aan akhristay in xanuunku muddo qaato oo uu aakhirka dhib keeni karo ayaan damcay inaan talo ku waydiiyo. Ma u baahanahay inaan dhakhtar aado anigoon qabin wax dhib ah oon ka ahayn burtuqyo xiniinta bidix korkeeda ah iyo xiniinta oo ka dheeraatay ta kale muddo 10 sano kahor ah ilaa muddadaasna sidaas ahayd?
Title: Re: Su'aal: Cilladda Varicocele iyo saamaynteeda muddada fog?
Post by: SomaliDoc on December 01, 2018, 09:23:36 PM
Maya, uma baahnid inaad dhakhtar kala xiriirtid arintaas, wax dhib ahne kugu keeni mayso insha'llah...
Burtuqyo aan dhib kugu haynin oo Alle caruur kugu siiyay, dad badan ayaa kula qaba, daawane uma baahno.