Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Princejeyte on January 07, 2017, 10:41:24 PM

Title: Su'aal: Isticmaalka kareemKa fisiliinka xiliga galmada?
Post by: Princejeyte on January 07, 2017, 10:41:24 PM
Ugu horeyn waan idin salaamay dhaamaan asxaabta bogaan, si gaar ahna waxaan u salaamayaa dhaqtarka bogaan inagu wacyi geliyo

salaan kadib, waxaan rabaa diktoore in aad inoo sharaxdo isticmaalka kareemada xiliga galmada in eey dhibaato leedahay iyo inkale

Si fahamka mowduucu u fududaado tusaale aan soo qaato
Aroosyada cusub ee dhalinyarada ah wiilasha qaarkood waxeey isticmaalaan kareemka VESTLINE oo soomaalidu ugu yeerto fisiliin, Iyadoo wiilku xubinta taranka marsado asigoo aaminsan in eey fududeyneyso howsha galmada

Marka su'aasha koowaadi waxeey tahay, Gabadha wax ma u dhimi karaa kareemku mqadaama uu jirkeeda gudihiisa gaarayo
Kareemkana eey ku qorantahay FOR EXTERNAL USE ONLY, taas oo micnaheedu yahay kaliya banaanka jirka haloo isticmaalo

Su'aasha labaadi waxeey tahay, ma saxbaa in kareemka fisiliinku caawiyo howsha lamaanaha siiba kuwa ku cusub saaxada guurka

Ugu danbeyn waxaan u mahadcelinayaa dhaqtarka mowduucaan inoo sharaxi doono
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka kareemKa fisiliinka xiliga galmada?
Post by: SomaliDoc on April 08, 2017, 05:33:49 PM
Vasaline-ku kama mid ahan subkiyaasha loogu talagalay in la adeegsado xilliga galmada sidaa ay tahayne dad badan ayaa adeegsado maadaama uu yahay wax meel kasta laga heli karo, aysanne ku jirin maadada loo yaqaano "glycerine" oo dadka qaar Allergy ku qabaan.

Laakiin vasaline-ku inkastoo subkiye yahay, laakiin cilladiisu waa isagoo xoogaa adag oo gudaha ku soo hari karo taasoo u sahlayso jeermiska sida bakteeriyada inay gudaha ku taranto.

Sidaa darteed waxaa haboon in aad isticmaashid kareemyada loogu talagalay howshaas, haddii aadan heli karin in aad isticmaashid saliidda dabiiciga ah sida macsarada, saytuunka ama qumbaha.