Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gacalsame on March 21, 2016, 08:40:35 PM

Title: Su'aal: Miisaan ayaan fuulay?
Post by: Gacalsame on March 21, 2016, 08:40:35 PM
asc dhamana waan salaamayaaa ilaah ajar ha idinka siiyo walala waxaan idinka codsanaa in aad arintaan ii faah faahisaan hadii caafimaad ahaan wx iga qaldan yihiin iyo hadeey ii saxan yihiin waxa aan koray miisaan jidka yaalo qoraalkaan ayaana ii soo baxay wax ii sharaxna waan waaayay




weight ........................... 65.7
....... height 172 cm
Maximum systolic ...... 108 mm Hg
Maximum diastolic .......... 69 mmHg
fat index ........ 18.2
fat mass ....... 11.9
mass without fat ..... 53.8
age and sex .............. 25
Title: Re: Su'aal: Miisaan ayaan fuulay?
Post by: SomaliDoc on April 04, 2016, 01:27:51 PM
Qoraalka waxaa ka muuqdo in dhirirkaagu yahay 172 cm, miisaankaagu 65, cadaadiska dhiigaagu 108/69, baruurta jirkaaga 18, cufnaanta baruurtane 11.9, culeyska jirkaaga baruur la'aane waa 53.8, da'daaduna waa 25.

Waxaa intaa kuugu dari lahaa cabirka Body Mass Index oo markaan kuu xisaabiyay noqday 23.3, waana dabiici markii da'daada loo fiiriyo, ma cayilnid, caatane ma tihid, waa cabirkii lagaa rabay.