Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on June 09, 2018, 12:16:36 AM

Title: Su'aal: Cuntada oo biyaha lala cabo!!!?
Post by: Ahmed_Carab on June 09, 2018, 12:16:36 AM
Asc .. bacda salaam .. aadaa ugu mahadsan tihiin howshaan culus oo aad bulshada u heysaan ajir iyo xasanaad ilaahay heydinka siiyo.


Maalmo ka hor ayaan ka aqriyay mareegtaan maqaal tibaaxaya cunada ka bacdi waxa aan la sameyn karin .. waxaa qodobada ka mid ahaa marka lagu guda jiro cunto cunista in aan biyo lala cabin! Hadaba su'sheyda waxaa weeye, aniga waxaan qabadsimay oo aan addiction ku ahay arintaa oo markaan cuntada cunaayo biyo iskama reebi karo luqmad walba biyaan ka daba geeyaa .. marka akhyaareey sideen arintaa iskaga joojin karaa?
Title: Re: Su'aal: Cuntada oo biyaha lala cabo!!!?
Post by: SomaliDoc on January 01, 2019, 08:19:32 PM
Waa dabci ay habboon tahay inaad adiga go'aan ka gaartid, maadaama uu yahay wax aad is bartay waad iska goyn kartaa, haddii aad ku geelysan waysidne dhib ma lahan, waxa kaliya ay arintaan keeni karto waa dheefshiid xumo laakiin cillad kale oo aad ka dhaxlaysid ma jiro,
Halkaan ka akhriso waxyaabaha lagu garto dheefshiid xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3218.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3218.0)