Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qalanjo Abdi on March 02, 2016, 02:42:10 PM

Title: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
Post by: Qalanjo Abdi on March 02, 2016, 02:42:10 PM
Asc doctor salaan kadib waxaan rabaa inaan wax ka ogaado ciladan

Nasahayga aad ayey u waa wayn yihiin xudunta inay gaaran ayey ba ku dhow yihiin in kastoo aan heesto will  5 bil jira hadana wayba ka ski dareen. Intaan dhalin kahor way waa waynayen lkn hada culees ayeyba yeeshenba lkn aniga caanaha inay yihiin ayaan u maleeya culeeska marka ima xanuunan oo way cafimad qabaan lkn waxaan dhibsaday waa waynankooda marka talo ayaan kaaga bahnaa iyo daawoyinka aan waxba ii dhimayn oo lagu xadidi ama lagu yarayn  Karo haday jiraan.
Maxaana keena in nasaha saan u waynadaan 

Jazakallah

Title: Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
Post by: SomaliDoc on March 05, 2016, 05:07:16 PM
(http://somalidoc.com/Topics/naasoweyn.png)

Haween badan ayaa ka sheegto arrinaan naaso waawaynida, waana arrin ay ka xishoodaan in ay dhakhtar ugu tagaan.

Waxyaabo badan oo dadku aamisan yihiin oo aan sax ahayn ayaa jiro, waxaana ka mid ah:

Intaas markaa isla fahanno kadib, su'aashu waxay tahay "Maxaa keeno in haweenka qaar ka mid ah naasuhu waynaadaan oo ka baxaan xadkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqaanay?"

Jawaabtu waa mid kamid ah sadaxdaan qodob:

Naaso wayninka waxay keenaan dhowr cilladood oo hooyadu isku aragto, waxaana ka mid ah:
Astaamahaan waxay siyaadaan markii hooyadu ay ku jirto marxallada naasnuujinta.

Haddii ay hooyadu naas nuujiso, cilladuna ay noqoto wax la xiriiro hormoonka oo siyaado ah, waa laga ilaaliyaa in la siiyo daawo yaraynayso hormoonkaas, maxaayeelaya waxaa laga yaabaa in caanuhu yaraadaan.

Cabashadaas wax ka badan oo dhibaato ah mustaqbalka qofka uma keenaan naaso wayninka, sidaas darteed ayaa hooyada loo siiyaa xanuun baab'iye, lagula taliyaa in naasaha ay ka ilaaliso raaraacsiga oo ay xirato naas-gashi.

Haddii hooyadu ay ka shaqaysan kari wayso ama dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay ka tagi waayaan ama soo darsadaan, waxaa lagula taliyaa in qalliin lagu sameeyo naasaha si loo yareeyo, qalliinkane lama sameeyo xilliga ay hooyadu ku jirto da'da dhalmada iyo naasnuujinta.

Akhriso qoraal ku saabsan "Nasaaha kala dhaadheer": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3304.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3304.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
Post by: Qalanjo Abdi on March 06, 2016, 12:41:47 AM
Aad aya u mahadsantahy doctor

Marka laga soo tago naaso qabsiga wax dawo oo Loo qato in lagu yareeyo ma jirto miyaa? Kiniini ama boomataba

Jazakallah
Title: Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
Post by: Mo Digdig on March 06, 2016, 09:39:40 AM
Walashey waxan filayaa inaad fahamtay fariinta dhaqtarka. Aniga waxa ka fahmay suaashaada iyo ciladaan naasaha, waxaan kugula talinayaa inay tahay ciladaadu mid dhaxal ah, sababtoo ah wax xanuun ah oo ay kugu haayaan majirto. Talada dhaqtarka qaado oo xiro si aysan u lulan isla markaana xanuun u imaan. Insha allah waa hagaagi doonaan yaan lagaa dhaadhicin inay cilad tahay arintaan waa dabiici. Mahadsnid
Title: Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
Post by: Qalanjo Abdi on March 06, 2016, 10:21:07 AM
Wll aad ayad u mahadsantahay
Lkn wazaan rabay inaan ogaado marka an  xirnaado waxoga naaso qabsiga oon damco inan iska furo oo wiilkyga caano siiyo wuu I danqadaa wuuna I xanuuna marka maxay tahay sababtaa?

Naso qabsi kaa yar yar hada xirato ma.dhibaato ayey kugu keenaysa

Jazakallah
Title: Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
Post by: Mo Digdig on March 10, 2016, 08:33:27 AM
Su'aalahaan waxan u deynaya Doctor ka sharafta leh oo mar walba nooga faa'iideeya waxa uu bartay. Lkn aniga caafimaadka aqoon sidaa u buuran uma lihi, balse waxaan kugula taliyay si Psychology ahaan ah. Sababto ah su'aashada waxan ka dareemay shaki ah big breasts problems. Taasna waa natural not desease. Waa inaad xirataa rajabeto suuf ah, ka fogow plastic mida ah ama adag. Yar yaraantu naso qabsiga aad sheegtayna, tusaale adiga dhar kaa yar ma xiran karta? Simply waa maya, wax walba wa jinkooda inaad xirato. Lkn hadii suuf yahay dhib badan makeenayo. Mahadsnid wixii faahfaahin ah dhaqtarka aan ka wada sugeynaa inuu noo bayaamiyo.
Title: Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
Post by: SomaliDoc on March 22, 2016, 04:13:26 PM
Fadlan ka fogow in aad xirato naaso galis cariiri ah ama blastiko ka samaysan.
Mo Digdig, waad ku mahadsan tahay taladaada.