Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dhagxiye68 on August 03, 2012, 02:25:21 AM

Title: Su'aal: Xubinta taranka oo kori la'?
Post by: Dhagxiye68 on August 03, 2012, 02:25:21 AM
 Waxaan haystaa wiil aan dhalay oo jira da ahaan 15 sano, wiilkayga waxaan guday isaga oo yar 4 years ah, wiilkii marki uu waynaaday qaan gaaray waxay ahayd in penisku is bedelo oo kor lakiin intiisi muu dhafin ilaa iyo hada wa very little still. dhaqtar markaan u geyeyna waxay dhaheen wan iska sugaynaa ilaa waqti yar oo kala isagiina dhibaata ka haysata markuu ciyaalka yaryar la ciyaaro meela ku wada qubaystaan inay ku cayaan yaranta pineskiisa.marka waxan jeclaan laha inaan ogaado waxa sababa arintaa xageense wax ka bilaabaa maxaa loo qaban kara wiilkaas, timihii shuunku iyagu way ku bilaabmeen already.

 mahadsanidin.
Title: Re: Su'aal: Xubinta taranka oo kori la'?
Post by: SomaliDoc on October 28, 2012, 10:12:04 PM
Xubinta taranka oo yar ama waxa caafimaad ahaan loo yaqaanno "Micropenis", waa xaalad ay caruurtu ku dhashaan, waxaana la oran karaa qofka wuu qabaa haddii xubinta iyadoo kacsan uu dhirikeeda ka yaraato 7cm qof qaangaar ah.

Waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah in hormoonka ragannimada ee loo yaqaanno "androgen" inuu yaraaday xilliga uurjiifka.
Waxyaabo badan ayaa yarayn karo hormoonkaas ama hor istaagi karo in hormoonka "testosterone" uu samaysmo.

Waxaa kaloo keeni karo in hooyada ay isticmaasho xilliga uurka daawooyin kaalmeeyo uurka oo ka samaysan hormoonka haweenka ee "esterogen".

Xaalaaha qaar haddii la xiriir khalal hormoonka ah, waa la daaweyn karaa inta uu cunugu yaryahay iyadoo la siiyo hormoonno kobciyo xubinta taranka.

Ilmaha badanaa loo geeyo takhaatiirta iyagoo ka cabanayo arintaan, laguma sheego in xubintooda ay yartahay sababtoo noqon karto:
1- In xubinta ay qarisay xeyr dul saaran lafta bisqinleyda.
2- Wiilka oo jirkiisa aad u weyn una dhigmn xubintiisa taasoo la moodo in xubinta ay yartahay.

Sidaa awgeed si loo hubiyo in cilladaan ay jirto waxaan kugula talinaynaa in aad la xiriirto takhtar ku taqasusay cilladaha hormoonka jirka laguna magacaabo "Endocrinologist".