Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Anfac on June 29, 2010, 11:39:07 PM
-
asalama caleeykum doctoor waxaan ku weydinayaa meeqa ayaa laga rabaa hormuunka naagaha uuka leh ee loo yaqaan h/cg maxaase keeno karo in uu kor u kaco waad mahad santahay
-
Hormoonka Human Chorionic Gonadotropin (HCG) waxaa la soo saaraa xilliga uurka.
Waxaa laga sameeyaa unugyada ibida, taasoo quudisa ugxanta la bacrimiyay.
HCG waxaa kaadida laga helaa ugu horreyn maalinta 11-aad ee uurka uu dhaco.
3-dii maalinba wuu laba jibaarmaa heerka hormoonka HCG.
Hadduu heerka HCG uu ka badanyahay 25mIU/ml waxaa la dhihi karaa uur wuu jiraa, hadduu ka yaryahayne 5mIU/ml uur ma jiro.