Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fazliyah on August 13, 2011, 10:59:35 PM

Title: Faa'idooyinka Caafimaad Ee Diinsiga.
Post by: Fazliyah on August 13, 2011, 10:59:35 PM
I would like to know what's Diinsi?  maxaa lagu dhahaa luqada ingriiska diinsi and what are the known medical benefits if any?
Title: Faa'iidooyinka Caafimaad ee Geedka Diinsiga
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 04:05:19 PM
(http://somalidoc.com/Topics/diinsi.png)

Diinsigu wuxuu ka mid yahay geedaha aan ku faanno oo aan faaidadiisu caafimaad aan u soo bandhignay caalamka oo idil iyadoo cilmibaarayaal soomaali ah ay liiska geedo daaweedka ku dareen 25 sano ka hor.

Diinsiga waa geed ka mid ah geedo daaweedyada ay soomaalidu aad u isticmaasho, geedka magaciisa qalaad waxaa la yiraahdaa "Sarcophyte piriei" ama "Balanophoraceae".

Geedkaani waxaa kaloo laga isticmaalaa dhowr wadan oo kale sida: Kenya, Malawi, Mozambique, Tanzania, Uganda iyo Zambia.

Diinsiga soomaalidu waxay u isticmaashaa daaweynta nabraha, ilka xanuunka, cuna xanuunka iyo calool xanuunka taasoo ku tusinaysa inuu galayo booskii daawooyinka antibiotics-ka iyo xanuun baab'iyaha.
Waxaa kaloo jira dad ku daaweeyo gaaska iyo dibiirada iyo dheef-shiid xumada.

Diinsiga waxaa loo sameeyaa sida shaaha oo kale iyadoo loo isticmaalo in lagu daaweeyo shubanka, in dhibaatooyinka caadada ee dumarka ku dhaca.

Waxaa jira cilmibaaris lagu sameeyay diinsiga oo ay ku sameeyeen cilmi baarayaal oo isugu jiro soomaali iyo ajaanib oo lagu ogaaday in geedkaan ay ku jiraan laba maaddo oo magacyadooda aan u kala bixinay diinsininol (1) and diinsinin (2). walxahaan oo leh faaido antibiotic oo jirka kala dagaallama infakshanka.

Diraasadaan waxaa lagu sameeyay qeybta daawo baarista ee jaamcadda Upsala University ee dalka Sweden.

Waxaa kaloo jira buug ay daabacday jaamacaddaas oo magaciisa la yiraahdo: Inventory of plants used in traditional medicine in Somalia, buugaan oo faaido weyn u leh dadka xiiseeya geedo daaweedka ayaa wuxuu ka hadlayaa illaa 30 geed oo soomalidu ay u isticmaasho daawo ahaan, markii baaritaan lagu sameeyane la xaqiijiyay waxtarkooda iyo faaidada caafimaad ay leeyihiin.
Buugaan waxaa qoray cilmo baarayaal soomaali u badan oo kaashanaya cilmibaarayaal ajaanib kale.


Hadduu alle idmo, geedo daaweedwayadaan caalamka mar dhow xaqiiqsadeen faaidadooda caafimaad, balse soomaaliduna ay isticmaali jirtay boqolaal sano ka hor ayaan halkaan mid mid ugu soo gudbin doonnaa.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: What's Diinsi in english
Post by: Libaan on October 12, 2011, 09:13:53 PM
Doctor adigoo mahadsan  Geedka "Diinis"   Sarcophyte piriei
 eray bixin maxaa lagu dhahaa Arabic


Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: What's Diinsi in english
Post by: SomaliDoc on October 16, 2011, 01:11:23 AM
Diinsida aad ayay ugu yartahay dhulalka carabta mana laga isticmaalo, maxaa yeelay waxay ka baxdaa dhulalka kulu oo heerkulbeegga uu maro.
Diinsida waa nooc ka mid ah 15 nooc oo geedo daaweed ah oo afcarabiga lagu yiraahdo: ?????? ????? ama english ahaan lagu yiraahdo: BALANOPHORACEAE.
Title: Re: Su'aal: What's Diinsi in english
Post by: Fazliyah on April 14, 2012, 05:21:53 AM
JazakAllah SomaliDoc, much appreciated illaaheey khayr haku siiyo.