Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Josef on December 26, 2010, 01:15:33 AM

Title: Su'aal: Xanuunka Baabasiirta iyo Xagga Raganimada?
Post by: Josef on December 26, 2010, 01:15:33 AM
HADDII AAN SU,AASHA KU QORAY MEEL KHALDAN FADLAN IGA RAALI AHAADA WAAYO WAAN GALAY MEESHA (SD FORUMS) HADDANA MAANAN ARAG MEEL SU,AAL LOOGU TALAGALAY FADLAN I CAAWI
HADDII AAN UGUDBO SU,AASHEYDA WAXAA IGU DHACAY XANUUNKA BAABASIIRTA DHAKHTAR BAA IGA QALAY LAAKIIN MUDDO LABA BIL KADIB AH AYAA WAXAA IGA TEGEY DAREENKII XAGGA RAGANIMADA FADLAN MAXAAD IGU CAAWIN KARTAAN?
Title: Re: Su'aal: Xanuunka Baabasiirta iyo Xagga Raganimada?
Post by: SomaliDoc on December 27, 2010, 08:15:34 PM
Weli in baabasiirka iyo kacsi la'aanta xiriir uu ka dhaxeeyo la iskuma waafaqin.
Inkastoo bukaannada qaba cudurka baabasiirka badankood ay aaminsanyihiin inuu keeno howlgab kacsi laakiin takhaatiirta kuma waafaqasana.
Inkastoo laga yaabo qalliimada lagu sameeyo ee mar mar dhif ah ay keeni karaan kacsiga uu yaraado muddo gaaban kadibne caadigiisa uu ku laabto.

Kacsiga oo yaraado waxa keeni kara waxyaabo badan oo ay ka mid tahay xanuunka, fakarka iyo walwalkaba. qof walba oo xanuunsan inuu kacsado lama filayo sidaa darteed waxay takhaatiirta ay aaminsanyihiin maadaama baabasiirka uu leeyahay futo xanuun qofkane hadduu uu kacsado xanuunka ku sii kordhayo cabsi uu ka qabo xanuunkaa ayay maskaxdu waxay gaaraysaa go'aan ah in kacsiga uu damo inta xanuunkaas uu ku welwelinayo.

Haddii aad isku aragtay kacsi yari qalliinka ka dib la xiriir takhtarkii qalliinka kugu sameeyay, inkastoo qalliinka cirbadda ee "sclerotherapy" uu u badanyahay inuu keeno kacsi yarida.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan baaabasiirka:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=891.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=891.0)

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan howlgabka kacsiga:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0)

Haddii aad qabto su'aal kale waad na soo weydiin kartaa
SomaliDoc