Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on December 21, 2007, 01:31:20 AM

Title: Xajiinta, Cuncunka (Allergies)
Post by: SomaliDoc on December 21, 2007, 01:31:20 AM
(http://somalidoc.com/Topics/xajiin.png)

Xajiintu ama Cuncuku waxay dhacdaa marka jirku uu jawaab ka celiyo shay. Tani waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato yar ilaa mid daran. Waxaa jira noocyo xajiin ah oo kala duwan. Kuwa ugu badan waxay kala yihiin:

Xajiin lama daaweyn karo, laakiin daaweyntu waxay caawino ka geysan kartaa in aad roonaato.

Calaamadaha
Dadku waxay kala lahaan karaan calaamado kala duwan oo isku xajiin laga qaaday.
Nooc kasta oo xajiin ah wuxuu keeni karaa finiinicyo ama jirka oo casaada iyo dhibaato neefsashada ah.

Yuu ku badan yahay Allerjiga?
Xajiinta ama allerjiga wuxuu ku dhici karaa dad aad u badan laakiin waxaa jira dad xasaasiyadoodu sarayso oo afka qalaad lagu yiraahdo "Atopy" oo macnaheedu tahay qofka hidda socodkiisa ama dhaxalkiisa ayuu ku jiraa inuu xajiimoodo waxaana dadkaas ku badan cudurro badan oo xajiinta laga qaado sida: Neefta ama Xiiqda, Sanboorka, Cuncunka maqaarka ama Eczema iyo kuwa kalaba, Haddii aad cudurradaas mid ka mid ah aad qabto kuwa kale way kuu sahlan yihiin inay kugu dhacaan.

Calaamadaha kale waxay ku xirnaan karaan sababta xajiinta.
Xajiin faxal, caaryada, dhogorta xayawaanka ama boorka

Xajiinta taabashada laga qaado

Xajiinta cuntada laga qaado

Xajiinta daawada laga qaado

Daryeelkaaga
Ka fogow waxyaabaha calaamadahaaga uga sii daraya. Baaritaan maqaarka ama dhiigga ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loo hubiyo xajiinta.
Waxaa laga yaabaa in aad u baahato daawooyin si lagaaga daaweeyo xajiinta.
Isbitaalka aad haddii aad isku aragto:

Akhriso qoraallo ku saabsan qaababka aad u dareemi kartid Allarjiga iyo sida loola tacaalo:
1- Allerjiga Halista ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0)
2- Xajiinta Gacmaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1091.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1091.0)
3- Neefta / Xiiqda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0)
4- Sanboor: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)