Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: Omar Sheikh on January 05, 2013, 01:17:42 AM

Title: Su'aal: dawada joogin karta ama hakinkarta vitiligo?
Post by: Omar Sheikh on January 05, 2013, 01:17:42 AM
waxaan qabaa vitiligo waxaan maqley in aay jirto  dawo hakin karta  ama joojin karta halkiisa  oo kor dhin  maii sheegi kartaan fadlan    si dhaqso ah    walalayaa   
Title: Re: Su'aal: dawada joogin karta ama hakinkarta vitiligo?
Post by: SomaliDoc on March 05, 2013, 01:11:45 PM
Daaweynta cudurka baraska badanaa maahan mid qasab ah, maadaama badanaa midabka maqaarka uu iskiis u soo laabto.

Daawaynta waxay ku xiran tahay tirada, cabirka iyo meelaha ay ku yaallaan baraha cadcad, daawaynta badanaa waxay qaadataa 6 illaa 18 bil, wayna kala duwan tahay, qof mid ayaa wax ka tarto, laakiin la isla qaato daawooyinkaas takhaatiirta kuma taliso.

Noocyada kala duwan ee daaweynta waxaa kala tashataa takhtar ku taqasusay cudurrada maqaarka, isagaa kaala talin doono.

Haddii daawooyinka afka laga qaato ama korka la marsado ay wax tari wayso waxaa jirto qalliimo lagu sameeyo oo lagu daaweeyo.

Waxaa jirto weli daawooyin cusub oo baaritaan ku socdo oo la aamisan yahay in isbedel fiican ay ku samayn doonaan mustaqbalka daaweynta cudurka baraska.

Wixii talo intaa dheer kala xiriir takhtar cudur maqaar.

Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa.