Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Malinda Nassah on October 03, 2015, 12:29:45 AM

Title: Su'aal: Menstrual period?
Post by: Malinda Nassah on October 03, 2015, 12:29:45 AM
Asc suashan qabo waxay tahay dhiiga amba cadada ila imisa cisho inu socda cafimad ahan u fican .... Hadu gabadha uka socdo labo cisho kaliya xooga ad u yar uka socdo cafimad darni miya jawabtu hadi ay ha tahay maxa la sameyn kara sidu si fican uka socdo mahadsanid docter jasak allah khayr
Title: Re: Su'aal: Menstrual period?
Post by: SomaliDoc on October 05, 2015, 12:08:14 PM
Caadada oo yar waxay noqon kartaa arin dabiici ah oo aanan cudur keenin khaas ahaan haddii ay waalidka ama gabdhaha kula dhashay ay qabaan arintaas oo kale.
laakiin haddii aadan horay iskugu arki jirin oo ay tahay arrin cusub waa muhiim in aad ogaatid waxyaabaha keeni karo:
1- Haddii aad qaadatid daawo ka hortag uur way keeentaa caado yarida.
2- Haddii hormoonka estrogen uu kugu yar yahay.
3- Haddii aad u dhawdahay xilligii dhalmo-deyska
4- Haddii cillad xaga minka ah uu jiro
5- Haddii aad tahay qof caato ah ama jirkiisu uu ku yaryahay baruurta.
6- Haddii aad welwel ama stress ku hayo ama niyadaadu ay kacsan tahay
7- Haddii ay jiraan xanuuno kale oo saamayn karo heerarka hormoonada jirka.

Ka akhriso halkaan inta la rabo in caadadu ay socoto iyo haddii ay badato waxa keeni karo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html)
Waxaa kaloo akhrisataa waxa keeno caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html)
Waxaa kaloo ka faa'idaysataa qoraalkaan ku saabsan caadada lagu xanuunsado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html)