Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaakeye on March 10, 2017, 08:38:32 PM

Title: Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?
Post by: Jaakeye on March 10, 2017, 08:38:32 PM
Asc wan idin salaamay dhamaan daadihiyaasha SomaliDoc salaan kadib waxan jeclaan lahaa Su'aan aan qabo in aad iga jaahil bixisiin:

Waxaa jiro ama aan ka mid ahay ragga dhuunta ku leh jocorta marka ragga qaarne malahan marka waxan jeclaan lahaa inaa i fahansiisiin farqiga u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen maxaa farqi u dhaxeeyo? Maxaase keeno?
Title: Re: Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?
Post by: SomaliDoc on June 11, 2017, 12:22:58 PM
Jocorta waxay soo muuqataa markii bocorta ay korto ama soo kuusato, waxaana badanaa la arkaa xilliga qaangaarka, raggu way sii waynaataa, wayna soo muuqataa laakiin dumarka inteedii ma dhaafto.

Ragga oo idil way leeyihiin, laakiin qaar bay muuqataa oo si sahlan loo arki karaa, qaarka kalane ma muuqato oo qoortooda ayaa gaaban, ama buuran ama murqaha dhuunta ayaa adag ama baruur ayaa saaran.

Marka farqi u dhaxeeyo ma jiro ragga ay muuqato iyo ragga aysan muuqan, kumana xirno ragannimadoodu inay kala sarrayso ama codkoodu kala wayn yahay, waxyaabaha keeno inay soo muuqato xilliga qaangaarka waa isbadalka ku dhaco codka ragga, taasoo ka timid hormoonka ragga ee "testosterone".

AKhriso isbadallada ku dhaco ragga iyo dumarka xilliga qaangaarka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6522.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6522.0)