Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gabadh on August 11, 2011, 11:28:42 PM

Title: Su'aal: Qaliinka Hoos ee dumarka?
Post by: Gabadh on August 11, 2011, 11:28:42 PM
Asc caleykum dhaqaatiirta waa idin salamey.
Waxaan jeclaan lahaa in aad iiga soo jawaabtaan suaashaan sida uga dhaqsiyaha badan..mahadsanidiin
suaasheeysa waxaa waaye: markaan gabadheeda dhalaaye ayaa muruqa hoos oo alaabta dhan isku haya i go´ay, sifiicana meey ii tolin... hada mudo ka dib ayeey ogadeen,
waxeeyna i dhaheen dhaqaatiirta in lagu qalo waaaye oo muruqa la adkeeyo sida aad sidaadi hore ku noqatit. Waxaan ku weeydiiyey qaliinka ma wax weyn oo dhib badanaa
sideediii hore marka aan gabadha ahaa ma noqonayaa.??

waxaan rajeeynayaa in aad i fahan tay..  :)
Title: Re: Su'aal: Qaliinka Hoos ee dumarka?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 12:55:57 PM
Perineal tear ama waxa loo yaqaanno jeexanka qaska oo ah inta u dhaxaysa labada marin, tanoo dhalata xilliga dhalmada iyadoo dillaacu uu loo kala qeybiyo dhowr heer:

Heerka 1-aad: Jeexid ku siman maqaarka hore
Heerka 2-aad: Jeexid u gudubtay murqaha qaska.
Heerka 3-aad: Jeexid u gudubtay futada
Heerka 4-aad: Jeexid u gudubtay maroorka.

Dillaacaan wuxuu ku badanyahay gabdhaha ugubka ah oo foolanaya.

Dillaacaan wuxuu badanyahay haddii lagugu caawiyo foosha iyadoo la adeegsado qalab sida biraha ilmaha lagu soo saaro oo kale.

Hadduu cunugga uu weynyahay ama wejiga uu keeno xilliga foosha.

Dillaacaan hadduu fudud yahay wuu iska reysanayaa laakiin haddii heerkiisu uu ka badanyahay heerka labaad wuxuu u baahanyahay qalliin sixid ah taasoo mid sahlan ah iyadoo la isku tolayo meelaha dillaacay.

Dillacaan waxaa la isaga ilaalin karaa iyadoo la sameeyo xilliga uurka waxa loo yaqaanno "dalliigidda qaska" ama "perineal message" taasoo murqaha qaska ay ku kala baxayaa si aayar ah taasoo yaraynaysa xitaa in aad u baahatid jeexista la sameeyo xilliga foosha si loo caawiyo in cunugga madaxiisa u soo baxo.

Midda kale markii haweentu foolanayso waa in ay iska ilaalisaa foosha xilliga dheer maxaa yeelay murqaha way dillaacayaan haddii kala bixista laga badiyo.

Wixii intaa badan kala tasho takhtarkaaga, kuna dadaal in aad isbitaal ku dhashid haddii miskahaagu ay yaryihiin ama markii ugu horreysay aad foolanaysid.