Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shafkuus on December 30, 2010, 09:14:52 AM
-
A.S.C walalyal waxaan idin su'aalayaa aniga waxaa la iga hayaa xiniiyaha oo i xanuuna marka aan taabto gaar ahaan hal xabo , kaadidana ima dhibto, marka maxaa xal ah
-
Xiniinta imisa ayay ku xanuuneysay?
Ma ka yartahay xaniinta kale?
Qooraha wax barar ah ma leeyahay?
Daqnasho miyaa mise waa xanuun? (daqnasho waa xanuunka lagu dareemo taabashada kaliya laakiin aan iska kaa xanuuneyn markaaa caadiga tahay?
-
1-walaal xiniiyaha waxaa ay i xanuunayaan muddo 6 sano ah.
2- labada xaniinyo waa ay i xanuunayaan oo saaka ayaan fiiriyey
3- qooraha barar malaha
4- haa danqasho waaye
hadda ka hor ayaan canug is dagaalney marka jilibkiisa ayuu iiga dhuftey xiniinyahay
mahadsanid
-
Xanuuna qooraha oo muddo jiray waxaa keeni kara dhowr waxyaabood oo ay ka mid tahay:
1- infakshan ku dhaca qooraha, qanjirka prostate iyo xarigga epididyms.
2- Qaliinka vasectomy ka dib
3- Dhaawac jug hore
4- Bararidda xididda qooraha (Varicocele)
5- Sheelada (Hydrocele)
6- Marjiska xaniinyaha (Testicular torsion)
Sida aad noo sheegtayne waxaa laga yaabaa in xanuunkaan uu kaa soo raacay jugtaa ku gaartay oo laga yaabo in siyaabo badan u keeni karto sida, in dhiig qooraha fadhiisto, in xiniinta ay dillaacdo ama dhaawac kalaba gaaro.
La xiriir takhtar ku takhasusay cilmiga kilyaha iyo kaadi mareenka.(Urologist).
SomaliDoc