Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaliifa on February 23, 2012, 01:27:43 PM

Title: Su'aal: Waa maxay xanuunka neerfaha ee Sinta (Sciatica)?
Post by: Khaliifa on February 23, 2012, 01:27:43 PM
salaan bacda salaan waxaan dhaqaatiirta sharafta badan weydiinaaya  inay intii karaan kooda ah iiga soo waramaan xanuunka layiraado SCIATICA NERVE marka markiisii hore wuxuu ahaa oo ku biloowday lower back pain balse hada qaab  neerfe ayuu ii qabtaa, xanun daran oo dhabarka ah ka dib markaan soconayo mudo yar ka dib waxaa dareenku ka tegayaa lugta midibta ah , waxyar ka dib mida midigta ah hadaanan fariisan masii taagnaan karo waayo lugaha dhan waxa ka tegaya awoodii ay ky hayn lahaayeen culayska korka saaran wuxuuna ku aadan yahay xanuunku l3,l4- l5,s1 inta u dhexaysa  waxaan rajaynayaa in aad aad ii fahan teen   anigina wixii karaankiina ah ayaan jawaab idinka sugayaa inshaa allaah. wabilaahi tawfiq.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka neerfaha ee sinta (Sciatica)?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 06:10:42 PM
Cudurka magaciisa waxaa la yiraahdaa SCIATICA, wuxuuna ku dhacaa neerfaha SCIATIC NERVE.

Neefahaan waa midka ugu dheer jirka, wuxuuna ka soo baxaa dhbarka qeybtiisa hoose, wuxuu soo dhex maraa lafta sinta, wuxuuna sii aadaa xagga lugta illaa suulka ayuu dareen siiyaa.

Neerfahaan maadaama uu soo dhex maro lafta sinta waxuu halis u gali karaa inuu dhaawacmo ama cadaadis fuulo ama infection qaado, sidaa daraadeed ayuu u keenaa xanuunka lagu yaqaano.

(http://umm.edu/~/media/ADAM/Images/en/19503.ashx)

SCIATICA, wuxaa lagu gartaa xanuun dhabarka ah weliba u badan dhinaca sinta, kaasoo u soo gudbo illaa xagga lugta bidix ama midig, tabar darri hal lug ah, xatoxato iyo kabuubyo lugta ah.

Xanuunka waxuu ka dhashaa dhaawac ama cadaadis saarmo neerfaha Sciatic, marka sidaa darteed waxaa la yiraahdaa SCIATICA.

Xanuunka wuxuu ka soo billawdaa dhabarka wuxuuna u soo dagaandagaa illaa lugta.

Waxyaabaha keena xanuunkaan waxaa ugu badan: Carjawda ricirrada u kala dhaxayso oo booskeeda ka soo baxdo, xanuunka ku dhaca murqaha u dhow sciatic nerve, jug ama jab gaaro qaska, ama buro ka soo baxdo agagaarka neerfaha ama cadaadis xagga dibadda ah oo saarmo neerfaha.

Xanuunka SCIATICA wuxuu leeyahay heerar wuxuu ku bilaawan karaa kabuubyo ama dareen olol oo kale wuxuu dadka qaar ku noqon karaa xanuun uusan qofka la dhaqaaqi karin.

Xanuunka badanaa hal dhinac ayuu u badan yahay, noociisane waa in qofka wax lagu mudayo oo kale, xanuunka wuxuu sii darsadaa markii qofka istaagnaado ama fadhiyo in mudd ah, ama habeenkii ama markuu qufacayo ama hindhisayo qofka ama markuu qofka gadaal u jilleecsado ama socdo xoogaa.

Si loo ogaado waxa keenay xanuunka SCIATICA, waxaa qofka u baahanyahay baaritaanno dhowr ah sida raajo la saaro lafdhabarta IWM.

Daawo waxaa ah in la ogaado oo la daaweeyo waxa keenay xanuunkaan sida carjow soo booday, jab, balbal muruqa miskaha ama buro.

Marka ugu horreyso waa in xanuunka laga yareeyo qofka, in la saaro baraf labada maalmood ee ugu horayso kadib wax diiran loo daba mariyo, in nasasho sariirta aan laga soo kacaynin la sameeyo muddo u dhaxayso usbuuc ama labo si caabuqa neerfaha loo yareeyo.

In la qaato daawo xanuun baai'iyaal kuwaas oo noqon karo kaniiniyaal ama cirbado.

Xanuunka SCIATICA wuu iska baabi'i karaa laakiin wuu soo laalaabtaa, waxaana qofka la siin karaa daawooyin dajiya caabuqa neerfaha iyo daawo caawin kara soo kabsashada neerfaha hadduu dhaawac gaaro.

Haddii aad isku aragtay xanuunkaan, fadlan la xiriir takhtar si lagaaga hubiyo, haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaan.

Halkaan ka baro xanuunada dhabarka ku dhaco: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html)
Halkaan ka baro xanuunada neerfaha ku dhaco: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html)


http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka neerfaha ee Sinta (Sciatica)?
Post by: Caliqadar on January 28, 2019, 12:17:01 PM
dhaqtar neerfaha ah miyaan aadaa mise raaja ayaan isasaaraa