Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nasriin on June 26, 2017, 02:16:57 PM

Title: Su'aal: Hada ayaan guursaday waxaan isku arkay dareen la'aan?
Post by: Nasriin on June 26, 2017, 02:16:57 PM
Asc su'aal ayaan rabay mawducan ku saabsan waxan ahay inan 21 hada ayaan guursaday waxaan isku arkay dareen la'aan oo wax biya bax ah ma dareemaayo hada inta aan guursana aad ayaan u dareen badnaa fircooni ma ahayn hadana waligay xumaan kuma dhicin alxamdulilah qofka aan nolasha la qaatayna aad ayaan u jecelahay mana aqaan cilada dareenkayga ebarka ka dhigaysa wax xanuun ah oo aan qabo ma jirto alxamdulilah kiniini ma isticmaali karaa ama ma isheegi kartaan wax dabiici ah oo aan isticmaalo aad ayaad u mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Hada ayaan guursaday waxaan isku arkay dareen la'aan?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2018, 09:01:42 PM
Taasi waa arrin dabiici ah oo ka dhalan karto isbadalka nolosha ku dhacay, umana baahnid inaad kaniini ama wax kalaba aad qaadatid, welwelka iska yareey, waxne kaama qaldana, dareenkaagiina waad helaysaa insha'llah.

Raac talooyinka ku qoran qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3818.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3818.0)
Title: Re: Su'aal: Hada ayaan guursaday waxaan isku arkay dareen la'aan?
Post by: Qoorgaab120 on January 11, 2019, 09:07:39 AM

Waxaan waqti badan waan isku arkay waxan islaha ameey adigu kuu gaar tahay.
Mahadsanidiin
Aad iyo aad dadaalkiina wanagsan si aad wax uga qabataan umada Somaliyed ee baahida caafimaad iyo nafsaani hayso.
Halkiina kasii wada inshaAllah.