Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on May 14, 2013, 11:26:13 PM
-
Asc.
Dr: Marka aan tago Furaashka Hurddada, isla markiiba Hurda helimaayo. uga badnaan waxaaba laga yaabaa inay igu qaadato, inaaan siriirta isku rog-rogo anigoo hurdo raadis ah ilaaa 1 saac amaba ka badan marmara qaarkood.
Arintaas markii aan u dhuungalay, waxay ciladeedu noqotay aniga oo inta badan Fakara. Marka aan seexanaayo..
Hadaba hadii aan cuno kiniinyadda Vatiminka ah. Sida:
1- Mineravit
2- Neovita, Itc
Cilad ma igu keeni karaan, mise waa caadi isticmaalkoodu, aniga oo aan wax Dhakhtar ah Laxiriirin.
-
Daawo aan dhakhtar kuu qoran sax maahan in aad qaadato, hadii fitamiinka laftirkiisa adigoo u baahnayn aad qaadatid waad ku xanuunsanaysaa oo waxaa kugu dhacayo waxa loo yaqaano ku sumoobidda fitamiinada "Vitamin Toxicity".
Hadii hurdada fakarka kuu diidan yahay la xiriir takhtar kaa caawiyo arintaas.