Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hiba nuura on June 02, 2017, 08:29:11 PM

Title: Su'aal: Waxaan siiyaa caanaha caruurta yaryar?
Post by: Hiba nuura on June 02, 2017, 08:29:11 PM
Asc dhaqaatiirta sharafta leh bacda salaan waxaan haystaa wiil yar oo sanad iyo 2 bilood jira waxaan siiyaa caanaha caruurta yaryar ee daasaha ku jira sida ronalac similac Naan iwm digtoor waxaan rabaa inaan hada siiyo caana booraha dadka waawayn ee anchor iwm marka ma is leedahay wax fitamiin ama protein ah oo ay is dheeryihiin ayaa jira kuweese u wanaagsan ayaad is leedahay 4 bilood kaliya ayaan nuujiyay fadlan jawaab digtoor mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaan siiyaa caanaha caruurta yaryar?
Post by: SomaliDoc on January 18, 2018, 08:43:34 PM
Caruurta in 4 illaa 6 bilood naas kaliya la siiyo ayaa muhiim ah oo aan wax caano kale loogu darin, kadib haddii ay hootadu dareento in cunugga ay caanaha ku yaryihiin way ugu dari kartaa waxyaabo kale, halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo waxyaabaha yareeyo caanaha hooyada iyo siyaabaha lagu garto in caanaha naaska ay ku yar yihiin caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0)

Inta aadan caano kale caruurta ku bilaabin, raaco talooyin lagu kordhin karo caanaha naasaha ku jiro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html)

Intaa kadib haddii ay shaqeyn wayso waxaa haboon in caanaha la siiyo kuwa loogu talagalay oo weliba da'doodu ku qoran tahay maadaaama ay ka duwan yihiin kuwa waawayn ee dadka cabaan, haddii aadan helayn kuwa yaryar, isku day in caanaha dabiiciga ee lo'da in cunuga u karkarisid, kadibne siisid.