Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: drmire on August 25, 2017, 09:07:28 AM

Title: Su'aal: Waxaa i bararay xiniinta midig?
Post by: drmire on August 25, 2017, 09:07:28 AM
Asc bahda somaliDoc mahad heynka gadhe howsha ad u heysan bulshada somaliyed Dr. waxa ibarareysa xaniinta midig Mararka qaar wax jug Ahna Kumar dhicin intaa kadib waxan iska mariyaa masaajo nuuca melaha jugta gaadhay Lo isticmalo Dr maxey dhibaato u leedahay xaniinta mexayse faido ledahay mahad sanidin.
Title: Re: Su'aal: Waxaa i bararay xiniinta midig?
Post by: SomaliDoc on July 04, 2018, 11:22:50 AM
Xiniinta oo bararto iyadoo wax jug ah gaarin waxay u baahan baaritaan, waxayna noqon kartaa dhowr waxyaabood, in caabuq ay qaadan, midda labaad in xididada barareen, midda sadaxaad inay biyo galeen. labadaan cillad ee dambe badanaa xanuun badan lama dareemo markuu xanuunka bilaw yahay, laakiin midda hore xanuun iyo danqasho ayaa la socdo.

Marka iyadoo aan baaritaankaas la marin waa khalad inaad daawo marisaa sida masaajada oo kale, dhib hor leh ayey kuu keeni kartaa khaasatan hadduu caabuq jiro, fadlan jooji dhakhtarne la xiriir.

Masaajka waxaa loogu talagalay murqaha iyo seedaha ee lama mariyo meel kasta.