Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on October 27, 2017, 11:21:10 AM

Title: Su'aal: Timing ovulation?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on October 27, 2017, 11:21:10 AM
Asc...
Doc, waxan ku leeyahay aad baad u mahasan tahay, Ilaah haku xifidyo dhamman dhakhaatiirten melwalba ay joogan. intas ladib, Doc waxan doonaya in aan wax ka ogaado Signs and symptoms of Ovulation.
the main factor.
calaamadaha ladareemayo xiliga uguxaanta lasoo daynayo, siiba calamada ugu macquulsan ay wadaagayaan dumarka.

Doc haddii Caadada ay tahay mid 28 ka kooban waaa xiligee ovulation keeda lis dhihi karaa ?
Doc ovulation ilaaa waqti intee la'eg ayuu socnaya? immisa sac mise maalimod?
Doc, Maadaama ilaahay awoodisa wax lagu helo, ma suuratagal baa in hadii u jiro infection heerka hoose ama sidaas u badnayn in  uur la helo matahay suuragal?
Doc waxa ku qatimayaa su'aashayada ilaa intee noolankarta Xaawada ama sperm galmada kadib, uga yaran imisa maalin?
iyo malagu kala duwanyahay ragga xaawadood inta noolankarto mise waa loo sinanayahay.
Doc mahasnaid
Title: Re: Su'aal: Timing ovulation?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on November 07, 2017, 11:43:07 PM
Bismillah, ugu Horeyn Dhakhaatiirteenna Sharafta mudan, waan salamayaa iyo Inta ku xiran bulsha weynta Soomaaliyeed salaan kadib, Waxaan jaclaystay in aan isku jawaab celiyo, Su'aal bishii Octobar Dhakhtarka an weydiiyey weli aan laga jawaabin culeys darteeda, maadaama Dhakhaatiirteena ay wajahayaan in ay Dobaalaan baahida in kabadan kumunaankun ku xiran Pageka Somalidoc, inta kadib, anigoo ka jawaab sugaya Doctorka ayan jaclaystay in idin lawadaago Heerka aqoonayd ee shaqsiyaddeed in aan ka jawaab celiyo su'aalahas.

su'asha kowad, waxa.ay tahay, Calaamadaha ugu muhiimsan  Xiliga Uguxaanta Dumarka lasoo deeynayo:
ugu horeyn si aan wax uga ogaano waxa ay tahay ovulation, ovulation ku waa Uguxaan waa xilliga hal inkabadan uguxaano ama egg cells laga soo daayo mid kamid ah ugu xaan siddidayasha oo xiliga uu dhacayo dhamaadka inta u dhaxayso labada caado isla markaasna u diyaar san in labacrimi  aya layiraahda ovulation

S'asha kale waa xilligee calamadaha ugu muhimsan ladareemo xiliga uguxaantu jirka uu soo deynayo.
xiliga ugu macquulsan uguxanta jirka lasoo deynayo waa bilawga Caadada markay kugu dhacdo laga soo tiriyo maalinka Caadada kugu dhacdo ilaa maalinka kala barka Wareegga Caadada 14 maalinkaas waa Maalinka ayaa ugu macquulsan in Uguxaanta lasoo deyo eggcells, Madaama Dumarka ay ku kala duwan yihiin, Sababtoo ah Mar hadii wareegga Caadadaadu ay tahay 28 waxa ixtimaalka loo badinayaa in uu dhaco 10 ilaa 15 inta u dhaxeysa ay tahay xiliga Ugaxanta jirka soo deynayo. sidaa darteeda xiligaas waxa ladareemaya calaamadaha Ovulation ka
mid kamid ah kuwa soo socda:
 1 heerkulka jirka uu kordho
2  dhabar xanuun
3  rabitaan galmo
Fg: Dumarka isku mid mahan wey ku kala duwanankara Calamadahasi balse laga yaabe 10 in mid kamid ah ay darewnto.

S'asha kale muddo intee aya qaadan kartaa in Ugaxanta ay sii jiri karto yacni ay active  ahaan mise sii noolankarto Ugaxanta Dumarka waxay sii noolaan karta mudo inta u dhaxeyasa Maalin ama maalin barkeed 12/24 sac bay active tahay.
S'asha kale intee muddo ah ay noolan karta xaawada ragga ama sperm,  ragga xaawadod waxa ay Noolaan kartaa in muddo ilaa 3 beri qiyaastii inta lahubo, madama Marka Galmada kadib ay dhacdo sperm waxa uu baaq kusii ahaanaya barta fallopian tubes ee halaka bacriminta ay ka dhacdo aya isla markaas waxa uu awood u leeyahay in uu halksi ku sii sugo Ugaxanata si uu u bacrimiyo haddi suuragal noqoto, weliba xiliga ugaxantu ay ka harsantahay 2 maalin soo deysmadeeda aya sahlaysa in halkas ku bacrimto.

S'aasha oo ah suuragal matahay in uu uur la helo hadii u jiro infection?
middas waan ka gaabsanaya
mida u dambayso xaawada ragga maku kala duwan yihiin baaq sii ahaanshahood ama nolasha spermka taasna waan ka Gaabsadey.

FG: Fadlan qormadaan dhererika badan ma'ahan mid lisku raacsan yahay ama kaaba gal ah amase Dhaxal gal ah, waa mid aan ku sii sugayno Dhakharka jawaabta uu ka bixin doona ayaan dhowri doonna Insha Allh asiga ka warsugayna siiba jawaabaha oo idil. waxan halkan ugu mahad celinaya Dhammaan Dhakhaatiirteena Marna aan ka daalayn didaalka ay u hayaan bulshadood si ay u daboolan baahiyahood cafimad Habeen iyo Malin.


Asalamu Calaikum Warah Matullah.
Title: Re: Su'aal: Timing ovulation?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on November 14, 2017, 07:55:53 PM
[waa] (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)

fadlan waa waxtarka Liin Dhannaanta Guji hoose
[Liin dhananta faa'idadeed] (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6699.0.html)