Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fadxi2019 on November 12, 2017, 08:18:29 AM

Title: Su'aal: Bariiska basmatiga sokorta ma kiciyaa?
Post by: Fadxi2019 on November 12, 2017, 08:18:29 AM
Asc Dr aad baan kaaga Mahadnaqayaa sida talooyinka  caafimaadka aad nooga Soo gudbiso, tankale bariiska bastiga loo yaqaan sokorta aad miyuu ukiciyaa, dhanka kale GALEYDA ayada Bal ka waran dad ayaa yiraahdo sokorta ayey leedahye.
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Bariiska basmatiga sokorta ma kiciyaa?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2018, 02:53:32 PM
Waxay cilmibaarayaashu sheegaan in bariiska basmatiga uusan aad u kicin sokorta, maadaama cabbirka kicinta sokorta ee bariiska basmatiga inuu yar yahay (low glycaemic index), galalyduna sidoo kale way la mid tahay.