Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on June 06, 2018, 05:28:23 PM

Title: Su'aal: Maxey kala yihiin Sperm iyo Semen?
Post by: Ahmed_Carab on June 06, 2018, 05:28:23 PM
Asc akhyaarta iyo hawl waneedada mareegta .. Ramadaan Mubaarak.

Muddo waxaan ku wareersanaa qaabka su'aal weydiinta ee mareegtaan .. walloow ay jiraan su'aalo aan hada ka hor soogudbiyay oon weli jawaab ka helin.

1) Su'aasheyda waxey tahay: Maxey kala yihiin "Xawo" iyo "Mini" (Sperm and Semen)?

2) ukunta lacabo ayadoo ceeriin ah (aan la karin mise la dubin) waxyeelo ma keeni kartaa; yacnii Salmonella ma sababi kartaa?
Title: Re: Su'aal: Maxey kala yihiin Sperm iyo Semen?
Post by: SomaliDoc on December 30, 2018, 12:13:57 AM
Jawaabta 1-aad: Sperm (Xawo) waa unugyo il-ma-aragto ah oo shahwada ku dhex jirto, waxaa la qiyaasaa 1 ml oo shahwo ah inay ku jiraan 20 milyan oo xawo ah, waana walxaha bacrimiyo ugxanta. Shahwo / Mini (Semen) waa biyaha cad ee ragga ka yimaado, waxaa dhici karta shahwada oo badan inay haddane hal ugxan laga waayo, qofkane madhalays uu yahay, halkaan ka akhriso waxyaabaha keeno cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2205.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2205.0)

Jawaabta 2-aad: Waa sax haddii digaaga / dooradu ay qabto xanuunka tiifowga caloosha ku dhaco ee "Salmonella" in ukenteeda laga qaadi karo isla xanuunkaas. faafaahinta salmonella ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=990.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=990.0)