Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdifatah454 on June 25, 2018, 10:23:45 PM

Title: Su'aal: Xanuunka otosclerosis?
Post by: Abdifatah454 on June 25, 2018, 10:23:45 PM
asc bahda dhakhaatiirta ku midawday shabakadan cilmi korodhsiga ah marka hore waan idin salaamay mar labaad waxaan ahay wiil dhalinyaro ah waxaan in muddo ahba la dhibtoonayaa maqalka dhagahayga oo sii yaraanaya si fiican wax uma maqlo marba marka ka danbaysana uu sii lumayaa maqalkaygii waxaan u tagay dhakhtar ENT ah wuxuu igu yidhi waxaad qabtaa xanuunka Otosclerosis hadaba su'aashaydu waxay tahay waa maxay xanuunka Otosclerosis mxaaase keena marka laga tago inuu yahay hereditary mxaase lagu dawayn karaa hadaana la awoodin qaliinka fadlan iga jaahil bixiya xanuuna otosclerosis ka mahadsanidiin waxaan idinka sugayaa jawaab wacan
Title: Re: Su'aal: Xanuunka otosclerosis?
Post by: SomaliDoc on January 05, 2019, 12:05:06 AM
Cilladaan waxay ku dhacdaa lafaha yaryar ee dhegta ku dhex jira oo howshuudu tahay inay codka weyneeyaan, cilladaani waxay ku timaadaa dhaxal si kale oo la ogyahay inay ku timaado ma jirto, dhibkuna waa in maqalkaagu sii yaraanayo maalinba maalinta ka dambayso, sidoo kale waxaad dareemi kartaa guux iyo dawakhaad mararka qaar, xalkuna waa qalliin ama inaad gashatid qalabka codka dheereeyo ee dhegaha la gashto.
Title: Re: Su'aal: Xanuunka otosclerosis?
Post by: Abdifatah454 on January 05, 2019, 12:49:32 AM
Wll wad mahadsan tihiin marka hore sida wanaagsan ee aad iiga jawaabteen su'aashaydee wll aniga oo daba socda isla su'aashii hore sida aad sheegtay waxa aad tidhi xalka kaliya waa inaad qaliin gasho ama sameecad xidhato wll qaliinku ma yahay mid boqolkiiba boqol save ah kuma dawoobayo ilaahay ka sakow waayo ilaahay ayaa dawada haya dhakhtar hore oo aan u tagayna waxa uu ii sheegay in qaliinka aan ka maarmayn lkn aanad somalia qaliin ku gali karayn waayo risk ga ayaa badan waxaanan joogaa somalia markaa qaliin ma ku gali karaa somalia wll idinkoo mahadsan