Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Werdi on June 27, 2018, 09:20:08 AM

Title: Su'aal: Xaaskayga waxay leedahay uur hal bil ah?
Post by: Werdi on June 27, 2018, 09:20:08 AM
asc doctor.s Allaha sw ayaa mahad iska leh
kadibna adinka doctors ah ee isku hawlay taageeerida latalinta iyo baraarujinta arimaha caaafimaaadka si aad ugu soo gudbisaan bulshada

inta kadib doctor xaaskeegu waxa ay Lee dahay uur hal bill  iyo Ku dhawaad dhawr maalmood ah
waxaaana ay isku aragtay daal xaaajis shaqada oo ay ka wahsato yacni dhibsato iyo madax xanuun  waaana uuurkeeedi ugu horeeyay welina wax doctor ah ma aysan booqan
marka waxaan jeclaaan lahaa arimahaa inaaad iga caawisaan sidoo kale hadii aaad xarun caafimaaad Ku leedihiina magaalada muqdisho aaan Odin soo booqano si aad ULA socotaan xaaladeeda caaafimaad  maadaama doctor uur jiifta la socda waajib tahay
waxaan rajeynayaaa ooo aa sugayaa taladiina
ileen talo maankaaada ka maqan miiir walaalkaa ayeey Ku jirtaaaye
balse talo waa tii rabi
asc
Title: Re: Su'aal: Xaaskayga waxay leedahay uur hal bil ah?
Post by: SomaliDoc on January 06, 2019, 10:51:13 AM
Inkastoo muddo dheer ka soo wareegatay xilligaa su'aasha soo gudbisay, laakiin markuu uurka cusub yahay waa arrin dabiici ah in hooyadu dareento daal, caajis, hurdo badan, kor xanuun waana calaamadu dumarka ay ka wada siman yihiin.

Midda ku saabsan la socodka dhakhtarka waa muhiim, taasina qoraal ayaan ka diyaarinaya taasoo kugu caawin kara walxaha muhiimka ah ee hooyada uurka leh laga rabo inay samayso inta aan dhalmada la gaarin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=364.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=364.0)