Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Asad on August 29, 2018, 02:38:35 PM

Title: Su'aal: Waxaan qabaa Lazy Eye?
Post by: Mohamed Asad on August 29, 2018, 02:38:35 PM
Asc Dr waxan ubaahnaa in faah faahin layga siiyo xanuunka lazy eye  waxan jiraa 25 isha bidix ayuu xanuunku igaga dhacay tan kale iyadu waa caadi waqtigaan yaraana fursad umahelin in wax layga qabto Dr waaxan ubaahna inaad ilawadagtaan sidaan xanuunkan ulatacaali lahaa iyo wixii talo ah isha bed qabtana sidee u ilaalinkaa
Title: Re: Su'aal: Waxaan qabaa Lazy Eye?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2019, 08:50:45 PM
Lazy eye ama waxa loo yaqaano "Amblyopia" waa cillad korriimo la'aan oo indhaha ku dhacdo, waana arrin caruurta lagu arko ee dadka iyagoo wayn kuma dhacdo, korriimo la'aantaas waxay keentaa in isha iyo neerfaha aragga ee maskaxda inuu xiriirkoodu wanaagsanayn, sidaasina aragga uu daciif ku noqdo, cunugane uu hal il kaliya adeegsado siduu wax u arki lahaa.

Waxaa cilladaan lagu daaweeyaa dhowr siyaabood, ookiyaaalaha aragga saxo, cadasada isha lagu dhajiyo, goojooyinka qaar mararka qaarne qalliin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan qabaa Lazy Eye?
Post by: Mohamed Asad on April 15, 2019, 07:23:20 PM
Dr waan ku waynaadey 25 baan hada jiraa intaan yaraa muraayad iyo qaliinba fursad umahelin lakin hda wax rajo ah maleeyahay waana isha bidix