Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samiraomar88 on September 05, 2018, 09:58:35 PM

Title: Su'aal: Cunug calool majiir qabo?
Post by: Samiraomar88 on September 05, 2018, 09:58:35 PM
Asc dr suaalsha 1waa waxan heystaa cunug 7bil jiro naas bis ayuu cabaa calol majir ayuu qaba maalqariib wan kaladay waxne uma tareyso 2beri hal mar ayuu saxaronaa walibo wu ku dhibtonaa maxa keeni karo calol majirkaas  2 cunug hurdadisa mabadno 20daqiqo le uhurda kadib wuu sokacaa hbn iyo malin waa isku mid ah maxa ku keeni karo hurda la aanta
Title: Re: Su'aal: Cunug calool majiir qabo?
Post by: SomaliDoc on February 05, 2019, 08:01:14 PM
Hadduu cunugaaga 7 bilood jiro, waa inaad cunno kale ugu dartaa sababtoo ah naaska kuma filno, fadlan cunno jilicsan ku bilow, biyane sii waxaa laga yaabaa inuu fiicnaado adigoon wax daawo ah siinin.

Qoraalkaan ka akhriso waxyaabaha caruurta yaryar u keeno calool majiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5987.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5987.0)