Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed bisle on October 05, 2018, 01:09:40 PM

Title: Su'aal: Madax xanuun joogta ah?
Post by: Axmed bisle on October 05, 2018, 01:09:40 PM
Asc bahda somalidoc marka kowaad aad baad ugu mahadsantihiin sida wacan ee aad bulshada uga haqab tirtaan arimaha caafimaadka.
Aan usoo daadago dulucda ujeedadayda waxaan intii laba isbuuc kabadana isku arkay calaamadahan ah
-madax xanuun joogto ah waliba wareer yar baa lasocda
-Markaan jimicsi sameeyo ama bir aan qaado jirka oo idil ayaa ixanuunaya
-xabadka oo ixanuunaya waliba markaan isdhaho iskala bixi waxa kayeeraya dhawaaq kaasoo u eg inay lafaha xabadku kala baxeen
-margiyada qoorta oo iyaguna ixanuuna
-aydin dhabarka dhanka bidix ah marna dhanka midig aadaysaa
 
Calaamadahaan oo idil waa kuwo aan isku arkay waliba aniga ahaan waxaan is iri bir wayn oo aan qaadi jiray ayaa saamayn iikeentay marka plz si bal maxaad isle3dihiin way tahay waxaan
Mahadsnidiin

Title: Re: Su'aal: Madax xanuun joogta ah?
Post by: SomaliDoc on February 27, 2019, 08:23:51 PM
Calaamadaha aad sheegtay haddii ay hal mar isla bilawdeen ama xiriir ka dhaxeeyo waxay u eg tahay inuu jiro cillad xagga murqaha ama seedah taasoo keentay tigtignaan ama murqaha oo is gala, waxaana sababa xanuunada sida roomaatiisamka, riixa iyo kuwa kaloo badan, maadaama murqaha ay wada tigtigan yihiin khaasatan kuwa dhabarka iyo qoorta, sidaasi ayuu madax xanuunka ku imaan karaa iyadoo dhinaca qoorta ka soo bilaabanayo, waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si laguu baaro.