Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamed khadar on January 08, 2017, 03:17:27 PM
-
Asc DR.
Bacdal salaan waxaan rabay inaan ku waydiiyo xaaskayga ayaa habeenkii ka cabata lugaha iyadoo ka dareemaysa qabaw xad dhaafa habeenkasta.
Markaas maxaa keenaya inay lugaha intaa hoose ka dhaxamooto.
Jazzaka allah dhamaantiin mahadsanid Dr.
I am waiting your answer insha alla Sr.
-
Wixii jilbaha ka hooseeyo oo laga dareemo waxay astaan u tahay cudurro dhowr ah oo ugu horeeyo xanuunka loo yaqaano "Peripheral artery disease" kanoo ah in xididada lugaha ay ciriiri noqdeen ama dhiigga sidii la rabay aysan u wadin, sida hadduu qofka qabo cudurka macaanka, cudurka kolestaroolka, cudurka thryoid-ka, cudurka dhiig-yarida iyo cudurrada toos u abaaro xididada.
Waa muhiim in dhakhtar lala xiriiriyo qofkii si joogto ah iskugu arko cilladaan, wuxuu kaloo qofka dareemi karaa kabuubyo, tinta lugaha oo yaraanayso ama midabka oo isbadalayo iyo cidiyaha oo madaw soo galayo.