Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abaaayo on July 15, 2010, 03:34:51 AM

Title: Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha
Post by: Abaaayo on July 15, 2010, 03:34:51 AM
asc dhakhatarada somaliyeed ee noo haya hawsha aadka u muhiimka ah waan idin salaamay dhamaantiin
ale ha idinla garab qabto aamiin aamiin aamiin

walaalo suashaydu waxay tahay inan aan dhalay oo aad u dhuuban ayaan maalin dhawayd Dr geeyey kadib wxay dheheen bahal (gooryaan) aan u naqaan somali hadaynu nahay ayaa ku jira dawooyin 3 wiig ah ayey u soo qoreen  markaa 3week kadib ayaan hadana eegaynaa inuu ka dhamday iyo in kale bay dheheen

waxaan ku wyadiin lahaa marka ma kula tahay dhuubnaanteeda inay sabab u tahay bahalkaa caloosha kaga jiraa adiga dhakhtar ahaan qofka bahlka ku jiraa ma dhuubnaan karaa wayo dadka dhan baa i yiri naa gabdha waxay la dhuubantahay waa gooryaane bal ka soo baar isagaa wax la cunee kkkkkkk markaa ka baarayna dee waaba laga helay markaa waan yara shakiyey shuqul ma ku yeelan kartaa dhakhtar haday ku yeelan karto insha'laah dawooyinka markay dhamayso in ay xoogaa jidh yeelato ayana rajayn

tnx walaal jawaab baan kaa sugaya
Title: Re: Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha
Post by: SomaliDoc on July 17, 2010, 05:33:19 PM
Qasab maahan in inantaada ay caatannimada u keenay gooryaan laakiin waa laga yaabaa haddii ay laheyd calaamadahaan qaar ka mid ah: Cunno xumo, matag, shuban ama saxaro qaabdaran, calool majiir, dibbiro iyo dhiig yari.

Waxaa jira caruur caatannimada iyo cunno yaraanta u dhashay iyadoo wax cudur ah aanan qabin ama goryaan ku jirin.

Haddii inanta ay kuu caafimaaddo, caatannimada ka baxdo waa la oran karaa gooryaan ayaa saa u galay, mideeda kale gooryaan waliba ma keeno caatannimo.
Title: Re: Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha
Post by: Abaaayo on July 17, 2010, 11:55:03 PM
Cunno xumo, matag, shuban ama saxaro qaabdaran, calool majiir, dibbiro iyo dhiig yari.

walaalo intaa aad sheegtayba way lahayd cuntada cun markaa tidhaa matag baa i haya ama nafsad uma hayo bay ku oran
Title: Re: Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha
Post by: Abaaayo on July 22, 2010, 07:35:05 PM
walaal mid kale ma ii soo faahfaahin kartaa gooryaanka noocyadiisa

waxaadna i tiri gooryaan walba laguma dhuubta oo ma keeno caata nimada keebaaa keena walaal iga soo jaahil bixi
Title: Re: Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha
Post by: SomaliDoc on July 30, 2010, 08:44:52 PM
Gooryaanno badan ayaa keeni kara dhafaqo darrida waxaana ugu caansan nooca gooryaan jillaabeedka.