Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 12, 2011, 03:29:38 AM

Title: Su'aal: Daawada postinor?
Post by: CilmiSabca on August 12, 2011, 03:29:38 AM
Asc dhaqaatiir & aqyaarey? Sln ka bacdi. Doctor, caawa waxaa la ii keenay daawada conceiveka ee Postinor 2- waxana la igu yidhi "Daawadaan aqri Cilmiyow sidee loo isticmaala hayaa?!" Waxaan idhi iga wada ma aqaane. Mar-na waxaan idhi daawadaan waxa loogu tala galay kala dheereynta dhalmada ee (Family Planing) waa hadduu dhaqtar qoro'e. Waxaanse ogaa in si sharci daro ah pharmacy looga soo gatay ayadoo uusan dhaqtar soo qorin, Ana dhaqtar ma ahi waan ka gaabsaday, oo waan uga digay qofka watay. Haddaba Dhaqtar 2-daas kaniini ee anti pregnancy-ga ahi sidee loo isticmaalaa? Saameys intee le'eg bey leeyihiin oo caafimaadka ah? Haddii la isticmaalo 72-saac gudohood isku tagga lammaanaha ka dib ma lagu kalsoonaan karaa inay shaqeeyaan 58%? Dhaqtar la'aanse ma la isticmaali karaa sida parasitamol-ka? Thank you all including aqyaarta. Wabil laahi Towfiiq
Title: Re: Su'aal: Daawada postinor?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 01:12:04 PM
(http://ec.princeton.edu/images/postinor.jpg)Postinor waxaa loo yaqaannaa kaniiniga ka hortagga uurka degdegga ah.

Kiniiniga Gargaarka degdega ah (oo hore loogu aqoon jirey kiniiniga subaxdii ka dib )
Kiniiniga gargaarka degdega ah waxaa laga heli karaa farmashiiyaha iyadoon dhakhtar kuu qorin.
Haddii aadan isticmaaleynin uur ka hortage oo aad galmooto adoon qorsheysan, amase uu dilaaco kondhomku, oo aadan dooneynin inaad uur qaado, markaa ka dib waxaad qaadan kartaa kiniiniga gargaarka degdega ah. Kiniiniga degdega ahi wuu ka wax qabad badan yahay sida ugu dhakhsaha badan ee aad u qaadato. Waa inaad bilowdaa qaadashada kiniiniga gargaarka degdega ah saddex maalmood gudahood (72 saacadood) ka dib markaad sameyso galmo aadan ka hortag sameyn. Si kasta ha ahaatee, wuxuu waxqabadkiisu ugu badan yahay dhakhsaha aad u qaadato.

Sidii aad u qaadan lahayd?
Habka ugu caansan ee uur ka hortagaha gargaarka degdega ahi wuxuu ka kooban yahay laba kiniini oo keliya oo la qaato wakhti isu jira ilaa 12 saacadood. Habkani wuxuu uurka kaa ilaalinayaa qiyaastii 85% ee uureysiyada aad rajeynayso.
Waxaa jira habab kale oo degdeg ah oo laysaga ilaaliyo uurka oo ka kooban kiniiniyo badan oo loo qaato ka hortaga uureysiga. Kuwana hadda laguma taliyo sababtoo ah waxtarkooda ayaa yar waxyeeladooduna way badan tahay. Dhammaan kiniiniyada gargaarka degdega way ka waxtar badan yihiin dhakhsaha aad u qaadato galmada ka dib.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ogaado inaan lagu tallineynin kiniiniga gargaarka degdega ah.

Waxtar uma laha sida kiniiniga.
Waxyeelada suurto galka ah Waxyeeladu ma aha mid caam ah laakiin dumarka qaarkii waxaa ku dhacda naasaha oo jilicsanaada ama madax xannuun.