Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu muhammad on September 10, 2015, 10:31:43 AM
-
Sln kadib waad ku mahadsantihiin shaqada aad bulshada u haysaan.
Maxaa keeno saxarada inay la socoto wax candhuuf u eg, ama mararka qaarba aad saxarooto cadhuufti laftirkeedi? Caloosha oo kaligeed buuqda ama sheekaysato? Shukran lakum.
-
Inkastoo aysan wanagsaneyn inan ka hordhaco dhaqaatiirta webka, hadana wixi karaankeyga ah wan kaa caawinayaa walal.
Astaamaha su'aashaada waxaa iska leh gooryaan calooleed , in kasto an u daayay dhaqaatiirta sharafta leh , inay noo wada iftiimiyaan jawbta saxda ah ee Su'aashaada bro Ibnu Muhammad. Waad mahadsantihiin
-
Waxa candhuufta camal oo aad tilmaantay waxaa la dhahaa "mucus" dadka qaar waxay u yaqaanaan "axal" waxay astaan u tahay infekshan caloosha inuu jiro waxyaabaha keeni karo waxaa ka mid ah gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha ku dhacdo laakiin waxaa ugu caansan cudurka jaarda laambiyaha ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html)
Fadlan la xiriir dhakhtar oo saxarada iska baar.