Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Juri on March 19, 2015, 12:54:30 AM

Title: Su'aal: Xanuunka Sciatica Daawo Ma Lee Yahay?
Post by: Juri on March 19, 2015, 12:54:30 AM
salamu calaykum wad ku mahadsantihiin bahda caafimadku walal waxan sual idinka waydiin laha xanuunka sciatica oo hore uga hadasheen ina fahfaahin dheerad ah idinka waydiiyo waxa in mudo ah i xanuunyay dhabarka intisa hoose iyo lugta midigta dhakhatar ayan u tagey xray ayu iga saarey dhabarka waxba ma qabo igu dhahey mudo ka bacdi dhakhtar kale u tagey oo isna MRI i saarey oo marki dambe dhahey xanuunka SCIATICA la idha aya ku haya daawano ma laha ayu igu idhi exercise yar ayu i tusey o idhi samee iyo furash adagna ku seexo iyo xanuun baabiye uun qaado wax daawo ah ma laha marka walal waxan idin waydiin laha ma dhaba in aanu daawo la qaato lahayn xanuun baabiyo mooyane iyo furashka adag ma caawinya  iyo maaxa dhibato hadhow igu keeni kara waxnan ahay gabadh .
Title: Re: Su'aal: Xanuunka Sciatica Daawo Ma Lee Yahay?
Post by: SomaliDoc on March 21, 2015, 04:04:08 PM
Xanuunak sciatica daawo wuu leeyahay, waxaana lagu daaweeyaa qaab jimicsi, qaab daawo iyo qaab qalliin labadaba.

Daaweynta nooca lagu siinayo waxay ku xiran tahay heerka uu marayo xanuunkaaga, muddada uu ku soo hayay iyo waxa keenay inuu neerfaha dhaawac gaaro iyo xaaladda lafdhabartaada.

Way dhacdaa mararka qaar in xanuunka uu soo laabto.

Fadlan la xiriir takhtar 'Neurologist' ah si uu faahfaahin kaaga siiyo daaweynta aad u baahan tahay.

Akhriso waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html)