Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Mahamed on October 28, 2016, 03:03:46 PM

Title: Su'aal: Wajigaa i kululaanayaa markaan English ku hadlayo?
Post by: Mr Mahamed on October 28, 2016, 03:03:46 PM
asc ditoore waxn ku weydiinayaa su all tasoo ah

anigoo joogo meel qaboob oo hadana ka shidan yahay mukeyf oo aan rabo inglish in aan ku sheykeysto ama aan ku hadlo video call net ma aqaano waxa iigu dhacaayo wajiga wuuna i kula laanayaa waxaana iiga imaanayo dhidid fara badan maxaa sababai karo waxaas thanks ditoore
Title: Re: Su'aal: Wajigaa i kululaanayaa markaan English ku hadlayo?
Post by: SomaliDoc on November 02, 2016, 06:41:03 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cabsigabulshada.png)

Arrinta aad dareemaysid waxaa la dhahaa "Facial blushing" waa wajiga oo gaduuto, lagana dareemo kuleel waxaaana la arkaa markii qofka uu ku jiro xaalad uu ka cabsanayo in lagu qoslo ama lala yaabo ama uu baxar / xaraj ku galo.

Waa arrin ay isku arkaan dadka xishoodka badan, waana nooc ka mid ah cabsida la hadalka bulshada ee loo yaqaano "public speaking anxiety" waxaa la sheegaa in dadka astaamahaan si joogto ah iskugu arko inay qabaan cilladda ka cabssashada bulshada ee loona yaqaano "social anxiety (social phobia)", waa arrin tababar iyo ad-adeeg looga gudbo.

Horay su'aasha aad u soo gudbisay ee ku saabsanayd jaraynta madaxa iyo cillada kuleelka wajiga waa isku hal cillad oo ka timid ka cabsashada bulshada "Social Anxiety".

Sababta aad u dareemaysidne waxay tahay in aad ka cabsanaysid in luqadda aadan u dhalan ee aad ku hadlaysid in aad qaladid ama dadka ku fahmi waayaan ama lagula yaabo, taas ayaa keenayso in xididada dhiigga qaado ee wajigaaga, qoorta iyo feeraha qeybta hore in ay bararaan, qulqulka dhiigga ee soo gelayo ayaa badanayo, way gaduudanayaan, waadna kululaanaysaa.

Sidee uga gudbaa cilladaan?
Taasi ma ahan cillad u baahan in la daaweeyo, waadna ka gudbi doontaa. Isku day in aad raacdid sadaxdaan tillaabo

Arrintaan waxaa looga gudbaa tababar iyo isku day isku xigxiga, dadka badanaa way ku guuleystaan.

Haddii aad su'aal kale qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)